Sawirro: R/W Abiy Ahmed oo booqasho ku tegay Kenya

Nairobi (CaasimadaOnline) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Kenya, isaga si weyn loogu soo dhoweeyey gudaha magaalada Moyale ee ku taalla xuduuda dheer ee ay wadaagaan labada wadan.

Booqashada Abiy oo horey loo sii shaaciyey ayaa qaadan doonto muddo labo cisho ah, sida baahisay warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa sidoo kale kulan gaar ah Moyale kula qaadan doono madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa xariga ka jari doono bar koontarool ku taalla xuduuda dalalka Itoobiya iyo Kenya

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqan doono inta uu joogo dalka Kenya meelo ay ka mid tahay gobolka Lamu oo ay ka socoto dhismaha dekedda cusub oo isku xiri doonto wadamada Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Itoobiya.

Waxa sidoo kale la filayaa in labada mas’uul ay isku hadal qaadaan arrimo ay ka yihiin, xaaladda Geeska Afrika iyo xiisada u dhexeysa dowladaha Soomaaliya & Kenya.

Si kastaba safarka Abiy ee Kenya ayaa ku soo aadaya, iyada xukuumadda Itoobiya ay soo gaba-gabeysay howl-galkii gobolka Tigray ee ka socday waqooyiga dalkaasi.