25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Iska hor imaad ka dhacay & boob weli si xooggan uga socda Boosaaso

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in maanta barqadii isku hor imaad uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Boosaaso, kaddib makii kooxo hubeysan oo aan la heybgaraneynin soo weerarreen halkaas si u qaataan hub iyo gaadid dagaal oo yaallay goobta.

Wariyaasha Boosaaso ku sugan ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in hal qof uu ku dhintay iska hor imaadkaas oo dhex maray ciidanka madaxtooyada Boosaaso iyo kooxda soo weerarrtay, waxaana jira askari kale oo ku dhaawacmay.

Xaallada magaalada Boosaaso ayaa tan iyo shaley kacsan waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo hubeysan, waxaa la adkeeyay xarumaha dowladda ee ku yaalla magaalada.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha cusub ee Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu amaray in la xafido dhammaan wixii hanti iyo qalab uu ku shaqeenayay maamulkii ka horreeyay ilaa inta uu ka soo dhisaayo xukuumadiisa, wuxuuna tilmaamay in cid kasta lagula xisaabtami doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News