Israel oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Dimishiq

Damacsus (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa maanta ah fuliyey duqeyn gantaal oo muddo joojisay howlihii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq, islamarkaana ay ku dhinteen afar qof, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo militari.

Abaare 2:00 subaxnimo, Israa’iil waxay fulisay weerar “gantaallo badan oo ay la beegsatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Dimishiq iyo agagaarkiisa,” waxaa sidaas SANA u sheegay ilo-wareedyada milateri.

Weerarka ayaa sababay “dhimashada laba askari… taasi oo keentay in garoonka caalamiga ah ee Dimishiq uu shaqada joojiyo,” ayuu yiri ilo-wareedka.

Weeraradii Isniintii ayaa lagu garaacay “goobo ay ku sugnaayeen Xizbullah iyo kooxaha taageersan Iiraan ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, iyo bakhaar hubka lagu kaydiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa kooxda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhiggeedu yahay Britain, Rami Abdul Rahman.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka lagu dilay afar dagaal-yahan oo ay ku jiraan laba askari.

Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya 2011-kii, Israa’iil ayaa fulisay boqollaal duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah deriskeeda, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada dawladda, ciidamada xulafada ah ee Iiraan ay taageerto iyo dagaalyahannada kooxda Shiicada ah ee Xizbullah ee Lubnaan.

Israa’iil inta badan kama hadasho warbixinada ku saabsan weerarada ay fuliso, hase yeeshee waxay marar badan sheegtay inaysan ogolaan doonin in cadowgeeda ugu weyn ee Iiraan ay saldhig ku yeelato Suuriya.

Duulimaadyada ayaa markii dambe dib u billowday kadib markii la dayactiray “khasaaraha ka dhashay gardarrada Israa’iil”, waxaa sidaas bayaan ku sheegtay wasaaradda gaadiidka ee Suuriya.

“Duulimaadyada ayaa dib u billaabmay kadib markii aan dib u soo celinay shaqada mid ka mid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, iyadoo howsha dayactirka dhabbaha labaad ay socoto,” ayuu AFP u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaadiidka oo lagu magacaabo Suleymaan Khaliil.

Markii ugu dambeysay ee garoonku uu shaqado joojiyo waxay ahayd bishii June, sidoo kale kadib markii ay duqaymo xagga cirka ah ku qaaday Israa’iil.

Weerarkii cirka ee Isniintii ka dhacay Suuriya ayaa yimid kadib markii dalka uu dagaalka la degay uu la kulmay dhimashadii ugu yareyd muddo sanad ah tan iyo markii uu dagaalku billowday toban sano ka hor.

Ugu yaraan 3,825 qof ayaa ku dhintay dagaalka Suuriya 2022-kii, sida laga soo xigtay tirokoobyo ay isu gaysay kooxda xuquuqda aadanaha ee dusha kula socota xaaladda Suuriya, islamarkaana fadhiggedu yahay Britain, tiradan ayaa ka yar tii 2021 oo aheyd 3,882.

Dadka la dilay 2022-kii waxaa ka mid ahaa 1,627 oo rayid ah, oo ay ku jiraan 321 carruur ah, sida laga soo xigtay kooxda.

Kadib sanado dagaallo iyo duqeymo ah oo ka dhashay caburintii arxan darrada aheyd ee lagu billaabay mudaaharaadayaashii 2011 ee looga soo horjeeday dowladda, colaadda ayaa inta badan yaraatay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Dagaallo goos-goos ah ayaa xilliyada qaar dhaca, waxaana sii socda weerarada mujaahidiinta, gaar ahaan bariga dalka.