30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Beesha caalamka oo Jawaari la kulmeysa iyo heshiiska doorashada oo u dhow…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goordhow ay wada kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Kulankaani dhexmari doona Jawaari iyo xubnahaasi, ayaa waxaa looga dhaadhicin doonaa Guddoomiyaha in BFS uu meel mariyo heshiiska Madashii Wadatashiga Qaran.

Xubnahaani ka midka Beesha Caalamka ayaa waxaa sidoo kale jawaari kala hadli doonaan inaan la baal-marin heshiiska dhigaaya in dib u dhac aan lagu sameyn karin doorashada.

Kulankaani uu Jawaari la qaadan doono xubnaha ayaa waxaa kasoo bixi doona natiijo cad oo looga gudbi doono shakiga laga qabo meel marin la’aanta heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran.

Kulanka ay wada qaadan doonaan Xubnahaasi iyo Guddoomiye Jawaari ayaa barbar socda kulan sidoo kale maalinimadii shalay uu Ra’isul wasaaraha Soomaaliya la qaatay qaar kamid ah Guddiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu kala hadlay heshiiskii dhawaan Xukuumaddiisa ay hor geysay Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa isaguna la kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu kala hadlay arrimaha ansixinta heshiiska la horgeeyay.

Xildhibaanada ayaa ku adkeysanaya inaysan ansixin doonin heshiiskan haddii aan gobolka Banaadir la siin xuquuqda uu mudan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News