28.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Puntland oo maxkamadeyneysa Afgaduud iyo Afdalow, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu ku dhawaaqay go’aan ah in maxkamad lasoo taagi doono Taliyeyaasha ciidamada booliska iyo birmidka Puntland Cabdirisaaq Afgaduud iyo Cusmaan Afdalow.

Afgaduud iyo Afdalow ayaa la soo taagi doonaa maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Afgaduud iyo Afdalow ayaa loo heystaa danbi la xiriira dagaal sababay dhaawaca Wasiirka amniga Puntland.

Xeer Ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in baaritaanka ay sugayaan in xeer ilaalinta maxkamada la keeno, waxaana uu sheegay in dami ciqaabeedkoodu uu yahay mid aan laga hordhici karib balse sharciga la waafajin doono.

Madaxwaynaha Puntland ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Jen Cabdirisaaq Afgaduud iyo Taliyihii Ciidanka Birmadka Puntland Cismaan Afdalow kuwaas isku gacan qaaday, waxaana ay sababtay in dhaawac iyo dhimasho ka dhalatay.

Sharciga maamulka Puntland ayaa dhigaaya in shaqsi waliba oo danbi noocaani ah gala lasoo hortaago Maxkamada si looga jaasiyo danbigiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News