Jawaari oo digniin culus u kala diray taliyayaasha iyo ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, ayaa Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada ugu baaqay inay dajiyaan xaalada.

Jawaari ayaa sheegay in fantastiyada ka socda magaalada Muqdisho ay dhibaato u keenikarto shacbiga Soomaaliyeed waxa uuna ciidamada Dowlada ugu baaqay inay joojiyaan rasaasta iyo dhibaatada ay u horseedayaan shacabka xamaasadeysan.

Jawaari waxa uu Taliyayaasha iyo Saraakiisha faray inay xakameeyan Ciidamada ku sugan magaalada iyo kuwa jooga furumaha dagaalka si buu yiri aan loo qalqal galin dadka shacabka ah ee isbedelka helay.

”Suuragal maaha in la maqlo rasaas aan amar loo qabin Taliyayaasha iyo Saraakiishu waa inay xakameeyan Ciidamada qiireysan, waayo waxaa suuragal ah in dhibaato ay u noqoto shacabka xamaasadeysan”

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxaa ka socday rasaas iyo isku soo baxyo ay dhigayeen Ciidamada iyo shacabka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com