Sawirro: Guusha madaxweyne Farmaajo kadib sidee ayuu ahaa jawiga Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka dhacay banaanbaxyo lagu soo dhaweynaayay Madaxweynaha cusub ee Qaranka Somalia Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”.

Banaanbaxyada ayaa waxaa si siman u dhigaayay Kumanaan shacab iyo Ciidamo ka kala tirsan Militeriga iyo Booliska, waxa ayna ishu qabaneysay Shacab farabadan oo dusha sare ka saaran Gaadiidka ciidanka.

Ciidamada Dowlada ayaa guusha Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) la soo baxay dabeecado cusub, oo ay kusoo dhaweynayaan dadka shacabka ah, halka xiliyadii hore ay ahaayen kuwo ku tacdinaayay shacabka.

Dadka isku soo baxa sameeyay ayaa waxaa u badnaa Haween, Carruur iyo dhalinyaro, waxaana xusid mudan in waddooyinka qaar lagu arkaayay Haween farxad kula suuxay waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgooyska Debka ee magaalada Muqdisho.