Madaxweyne Farmaajo oo 4 arrin kala dagaalami doona dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa si adag uga hadlay musuqa iyo isdabamarinta ay Dowladihii hore u horseeden dalka iyo dadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisu ay baabi’in doonto Musuqa, Eexda, Nin jecleysiga iyo Cadaalad darida ka taagan dalka waxa uuna wacad ku maray in mudada 4 sano ee uu xilka heyn doono Somalia kasoo saaro maqaamkeeda.

Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”, waxa uu carab dhabay inuusan u dulqaadan doonin in lagu xadgudbo dadnimada Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna meesha ka saaray in Dowladiisu ay ka gaabin doonto howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhankiisa Warbaahinta Dowladda kala hadlay shacabweynaha Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay guushaan in ay leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed, wuxuu sheegay cadaalada iyo amniga in uu xoogga saari doono.

Mr. Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay dhowaan in uu jeedin doono khudbad khiiro leh, taasi oo ay isgu imaan doonaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed, maadaama shacabka ay si xad ka bax ah u taageeraan Mudane Farmaajo.

Dhinaca kale, Kumanaan kun oo shacab iyo Ciidan ah ayaa Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ugu dabaal degtay magaalada Muqdisho, Gobolada dalka iyo Caasimadaha kale oo ay ku noolyihiin Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com