Mumbai (Caasimada Online) – Xiddiga Bollywood-ka Hindiya Saif Ali Khan ayaa qalliin lagu sameeyey Khamiistii kadib markii dhowr jeer mindi lagu dhuftay, taasi oo muuqata inay ka dambeeyeen tuugo soo weeraray gurigiisa oo ku yaalla Mumba, sida ay sheegtay kooxdiisa xiriirka dadweynaha.
Khan, oo 54 jir ah, kana soo muuqday in ka badan 70 filim iyo taxaneyaal telefishin, ayaa qaba xiddigta caanka ah ee Kareena Kapoor.
“Waxaa jiray isku day dhac ah oo lagu bartilmaameedsanayey guriga mudane Saif Ali Khan,” ayay tiri kooxdiisu, iyagoo ku booriyay “taageerayaasha inay samraan”.
Kareena Kapoor ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in “Saif uu dhaawac ka soo gaaray gacantiisa, kaasi oo sababay in isbitaal la dhigo”.
“Qoyska intiisa kale way fiican yihiin,” ayay raacisay.
Khan waa wiilka kabtankii hore ee kirikidhka Hindiya Mansur Ali Khan Pataudi, iyo atariishada Bollywood-ka Sharmila Tagore.
Aflaamta uu jilay waxaa ka mid ah filimkii caanka ahaa ee Dil Chahta Hai ee soo baxay 2001, iyo taxanaha dambiyada ee caanka ka ah Netflix ee Sacred Games.
Niraj Uttamani, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Isbitaalka Lilavati ee Mumbai, ayaa u sheegay wargeyska The Hindustan Times in jilaagu uu qabo lix dhaawac, oo labo ka mid ah ay qoto dheer yihiin.
Wakaaladda wararka ee Press Trust of India ayaa baahisay sawirro muujinaya booliska oo baaritaanno caafimaad ka sameynaya guriga Khan ee Mumbai.