Jowhar-tii “Ar Farmaajo ii geeya” lagaa yiri in aadan wali booqan madaxweyne makaa mudneyd? (Faallo)

Doorashadii kadhacday dalka sanaddii 2017 bishii February 8deedii waxaa ladoortay madaxweyne Farmaajo oo doorasho dalka kadhacday kaga guuleeystay musharraxiin badan oo latartamayay.

Waxaa laga joogaa 3sano iyo laba bilood oo uu dalka madaxweyne kayahay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo)

Madaxweyne Farmaajo Jowhar oo ah caasimadda Hirshabelle State waxaa looga hiilliyay marar badan oo ay ugu horreysay oraahdii caan baxday ee aheeyd “Ar Farmaajo iigeeya”

Marka laga soo tago dareenka ay shacabka Hirshabelle State u muujiyeen, waxaa xigay in dowladda Hirshabelle State ay noqotay maamul goboleedkii ugu horreeyay ee garab istaaga dowladda dhexe,markii dowlad goboleedyada dalka ay ka aragti duwnaadeen aragtidii uu dalka ku hogaaminayay madaxweyne Farmaajo.

Waxay dadkeenu udhabar adeegeen duruufo amni, duruufo caafimaad,duruufo waxbarasho, wayna u dulqaadteen duruufo kasta ay kaa sugnaayeen in ay kahelaan dowladda aad hogaamiso ,iyadoo ay u dheertahay in marna uusan booqan madaxweynahoodii ay dareenka weyn u muujiyeen.

Madaxweynow shacabkii Hirshabelle State inta aadan hogaanka dalka uqaban,abid uma soo wada bixin madaxweyneyaashii kaa horreeyay, waxaadna ahayd madaxweynaha kaliya oo ay usoo banaan baxeen.

Madaxweyne xagga amniga waddadii udhaxeysay Caasimadda Jowhar iyo Muqdisho waxey ahaan jirtay mid si caadi ah loo maro,maantana duruufo amni ayaa ku geedaaman, shacabkeennii waxey na waydiinayaan sababta aan kaaga heli waynay garab istaagga aan isaga xureyn laheyn argagixisada dadkeena dhibaatada ku heysa.

Madaxweyne gobalka Gado waxaa ka sokeeyay deegaannada Hirshabelle State waxeyna dhib ku qabaan qaswadayaasha kusoo duullaamay deegaannadeenii,goormeey Gado kadhawaatay Balcad oo 20Km ujirta Muqdisho ?

Hadii aan la fariisanno dadkeennii waxey nagu yiraahdaan madaxweyne Farmaajo gobollada dalka wuu booqday, muxuu caasimadda Hirshabelle State ee Jowhar u awoodi waayay in uu nagu soo booqdo ?

Shacabkeenu waa kuwa unugul dowladnimada waxeyna ku dadaaleen in aysan ka khuusan halka ay hiigsanayeen,waxeyna kaasugayaan jawaabta ay kaa mudnaayeen Madaxweyne.

Jowhar-tii “Ar Farmaajo ii geeya” lagaa yiri in aadan wali booqan madaxweyne makaa mudneyd?

W/Q: Hassan Abdulkhader Mudey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid