JUXA oo shaaciyey afar caqabad oo Deni sugaya kadib ku laabashadiisa Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas kadib markii uu kaalinta seddexaad ka galay doorashadii xilka madaxweynimo ee ka dhacday Muqdisho.

Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaddib markii Deni oo ku sugan Muqdisho uu sameeyay magcaabis xubno xilal loo dhiibay, arrintaasi oo uu ka biyo-diiday Axmed Karaash oo isaguna soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas gaashaanka ugu daruuray.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wasiir ka soo noqday Puntland iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la hadlay idaacadda BBC ayaaa sheegay in madaxweynaha Puntland ay hor yaalaan caqabado badan oo xalkeeda laga rabo.

“Waxaa hor yaalla Madaxweynaha xukuumaddiisa iyo baarlamaanku in ay dib u soo laabtaan. Waxaa hor yaalla khilaafka soo shaac baxay ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Karaash in la xaliyo; khilaafkaas oo runtii dibadda u soo baxay, waraaqo la iska soo daba saaray, dadkuna aanay jecleysan, shaqo-maalmeedkii dowladdana curyaamiyay. Arrintaasi waxay u baahan tahay in la xalliyo, shaqadii dowladanna la dardargeliyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale, caqabadaha kale ee horyaalla Deni ayaa waxaa kamid ah xalinta kala-irdhowgii ka dhashay doorashadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland.

Waxaa sidoo kale jirta tabasho ay qabaan dadkii xubnaha lahaa qaarkood iyo weliba qaar ka tirsan isimada Puntland oo sheegay in dowladdu ay gacan-togaaleysay xubnihii ay saxiixi jireen.

Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha Juxa wuxuu qabaa in ay taas tahay howl dadaal dheeri ah uga baahan Madaxweyne Deni sidii uu isugu soo dumi lahaa dadka ku kala indhoobay doorashada darteed.

“Khilaaf weyn iyo kala fogaansho ayaa doorashadaas ka dhashay. Khilaafkaasi markii dambe Xamar ayuu la aaday. Waxaa muuqaneysay ardaa kasta oo olole-doorasho uu ka socdo in lagu arkaayay dad reer Puntland ah oo iska soo horjeeda, kuwaas oo halkaa ku kala qaybsamay,” ayuu yiri Juxa.

Puntland oo dhisan 24 sano waxaa la isku soo dooranayay nidaamka hab-beeleedka, Juxa wuxuu aamisan yahay in aan mar kale wejiga la siin karin jidkii rubuc qarniga la hayay.