Kadib shirkii Jabuuti, Muuse Biixi oo ‘xeelad cusub’ degay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wax badan ka badalay qaabkii uu ula kulmi jiray xubnaha xisbiyada mucaaridka ah, kadib shirkii Jabuuti oo uu dhawaan kasoo laabtay.

Madaxweynaha ayaa si gooni-gooni ah ula kulmaya guddoomiyeyaasha mucaaridka ah, isagoona uga xog waramaya arrimihii wada-hadalada ee dhawaan ka furmaya dalka Jabuuti iyo aragtidooda, maadama aysan ka qeyb galin xisbiyada mucaaridku.

Madaxweyne Biixi ayaa hore si wada-jir ah kulamada ula qaadan jiray guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka, balse xalay waxa uu kulan gaar ah la qaatay mid kamid ah xisbiyada mucaaridka.

Muuse Biixi ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro iyo xubno kale, isagoona dhowr maalin kadibna la kulmi doona guddoomiyaha xisbiga Ucid.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, talaabada Biixi ayaa ah xeelad cusub oo uu ku rabo in labada xisbi uu si kala gooniya u kala xado, isla markaana uu midkasta ku marxabeysiiyo qorshe gooniya, walow uusan ilaa hadda si cad usoo shaac bixin.

Talaabada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay imaneysa xili ay labada xisbi ku kala aragti duwan-yihiin arrinta wada-hadalada, maadama uu si adag uga horyimid xisbiga mucaaridka ah ee Ucid in wax wada-hadal ah lala furo dowladda federaalka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan xiligan munaasib aheyn in wada-hadal lala furo dowladda federaalka, oo uu aaminsan yahay inay tahay cadowga koowaad ee Somaliland.

Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa ku kala aragti duwan dib u furista wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee madhaleyska noqday, xili dhowaan loo balansan-yahay inay kulamo kale ka dhacaan dalka Jabuuti.