KENYA oo go’aan cad ka qaadatay sonkorta laga raro dekadaha Jubaland

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u mamnuucday in deegaanadeeda lagu iibiyo Sokorta laga qaado Somalia ee loo iibgeeyo dalkaas.

Dowlada oo soo saartay amar lagu mamnuucayo iibgeynta Sokorta laga soo dajiyo dekadaha maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in sharci lala tiigsan doono Ganacsatada ama cidii lagu arkaa iibgeynta Sokorta

Dadka Soomaalida ee ku nool degaanada u dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeelatay howlgalada ka dhanka ah sokorta sharci darada.

Shacabkan ayaa intooda badan ku tiirsanaa sokorta raqiista ah oo ay gataan Gobolada Jubooyinka taasi oo ganacsi iyo in ay guryaha u isticmaalaan ay ka dhigan Jireen, hase yeeshee waxaa iminka meesha ka baxeysa ka faa’iideysiga Sokortaasi laga digay.

Saraakiisha ciidamada xuduuda Kenya ayaa kordhiyay baaritaanada iyadoo sheegay in aysan aqbali doonin in sokor uga timid dhanka Soomaaliya la keeno gudaha Kenya.

Dhanka kale mid ka mid ah gaawaarileyda ka shaqeyn jirtay soo gudbinta sokorta oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tilmaamay in ganacsato qaar ay la heshiiyeen saraakiisha ciidamada si buu yiri xooga loo saaro in aysan sokor ka soo gudbin soomaaliya maadama ay dhibaato ku tahay ganacsigooda.

Dowlada kenya ayaa mas,uuliyiin ka tirsan horay waxay isugu qabsadeen hanaanka ay u socoto howlgalka ka dhanka ah sokorta sharci darada,waxaana horay loogu eedeyay in ay qeyb ka yihiin ka ganacsiga sokorta xisbiga haya talada dalka kenya ee Jubule.

Arintaan ayaa saameyn ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku nool degaanada u dhow xuduuda kuwaasi oo markii hore ku tiirsanaa sokorta kaga timaada soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com