NISA: Hay’ad qaran, mise hay’ad dhaqameed? (Q.2)

Qaybta 2-aad, halkan ka aqri qeybtii 1-aad

Waxaan ka cudur daaranayaa in layga raali noqdo haddii ay dhacdo inaan hilmaam darteed soo qaadin qodobbo dhici karto inay muhiim yihiin, maaddaama aan ka hadlayno taariikh 44 sano soo jiitamaysay, hase yeeshee waxaan isku taxluujinayaa inaan intii karaankeyga ah ka wada hadlo. Dabcan, akhristayaasha boggan waxaan si xushmad leh uga codsanayaa inay ii soo sheegaan, haddii ay qabaan su’aalo ama iftiimin la xiriirta qodobbada aan ka hadlayo. Waa garaadxumo inaad dadka wax u sheegto oo keliya ee waa inaad adiguna dhegaysataa, waayo fikradaha oo lays dhaafsado waa saliim.

Haddaba, waxaan jeclahay waajibna tahay inaan marka hore ku bilaabo aasaaska Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS). Ma rabo inaan ku dheeraado, waxaanse ku dadaalayaa inaan si kooban uga warbixiyo.

Ciidanku waxaa la aasaasay 8dii Jannayo 1970, kaddib markii la mideeyey laba hay’ad xuuraameed oo kala haa Sirdoonkii Mileteriga (Military Intelligence) iyo Sirdoonkii Ciidanka Boliiska (Special Branch). Muhimadda ay leedahay hay’addan waxaa daliil u ah in dhowr bilood kaddib curashadii Kacaankii 21kii Oktoobar 1969 ay madaxdu garwaaqsatay inay dhidibbada u taagaan Ciidanka Nabad Sugidda. Waxaa Taliye looga dhigay Col. Axmed Suleymaan Cabdulle (Dafle) oo ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka, ku xigeenna waxaa looga dhigay Allaha u naariistee Majoraxamed Jibriil Muuse oo xilligaa madax u ahaa Sirdoonka Boliiska. Waxaa xarun looga dhigay xaruntii hore ee Special Branch oo ku tiillay Baar Fiat agagaarkiisa iyo Collegio Nuova Somalia. Waxaa xusid mudan in xilligaa xarunta ay ka dhisnaayeen dhowr xafiisyo oo hore bakhaarro ahaa iyo xafiisyo kale oo baraakooyin ah. Xarunta dhexdeeda waxaa kaloo xafiisyo ku lahaa Hoggaanka Dembi Baarista ee Boliiska (CID) iyo guryahooda, Hoggaanka Socdaalka, Rugta Caafimaadka iyo hoyga Taliyaha Nabad Sugidda iyo Taliye xigeenka. Dhowr sano kaddib, waxaa xarunta laga raray xafiisyadii CID iyo guryahooda, Hoggaanka Socdaalka iyo hoygii Taliyaha iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana ku soo haray oo keliya xafiisyada Taliska Nabad Sugidda Soomaaliyeed.

Muddo kooban gudahooda, ciidanku wuxuu ku dhaqaaqay horumar xawli lagu hirgeliyey oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Taliska (Midka hadda jira), Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Deegaanley, Xarunta Hoggaanka Socdaalka, Hoolka Shirarka iyo kuwo fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Dhanka xirfadaha, w9axaa la dhisay hoggaammo kooban oo tayo leh, waxaa la hirgeliyey ilooyin (sources) fara badan oo la xiriira hawlaha loo igmaday sida tagaasi, gaadiidka dadweynaha, baarar, maqaayado, guryo gaar ah (Safe Houses), xarumaha ciidanka ee gobollada iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay, wakiillo ka hawlgala xafiisyada kala duwan ee dawladda, xoojinta tababarrada kala duwan (gudaha dalka iyo dibeddiisaba) ee xubnaha ciidanka, ha ahaadeen kuwo cusub iyo kuwo hore uga tirsanaa ciidanka, xiriirka ha’adaha sirdoonka ee dawladaha shisheeye sida Talyaaniga, Maraykanka, Ruushka, Fransiisaka, Masar, Sacuudiga, Qatar, Cumaan, Kuwayt, Jarmalka iyo kuwo kaloo farabadan oo halkan lagu xusi karin. Waxaa xusid mudan ii xiriirka hay’adahan ku dhisnaa is-qaddarin ay ka maran tahay faragelin toos ama mid dadban. Haddaba, waxaa is weydiin leh: Muxuu dhaxlay ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed? Hoggaammadii ku dhisnaa hawlaha kala duwan ee ciidanku u xilsaarnaa, sida Hoggaanka Gobollaha, Arrimaha Dibedda, Baarista, Tababarrada, Ciidammada, Hawlgallada, Lid-Xuuraanka (Counter Intelligence) waxay maanta isu beddeleen, hoggaamo ay kala maamulaan dawlado shisheeye oo inta badan qaarkood aan xiriir naga dhexayn iyo kuwo kale oo aan iska ilaalineynay, maantana fursad u haystaan inay si toos ah ugu adeegtaan uguna fushadaan danahooda gaarka ah. Wakiillada sirdoonka shisheeye ee aan xiriirka lahayn, marka ay doonayaan inay la kulmaan madaxda ama ay soo booqdaan, waxay soo gudbin jireen codsi, haddana iyagii baa loo kala dhuumanayaa gacantana loo hoorsanayaa.  Waa ayaandarro in ciidanku sidaa ku dambeeyo, iyadoo meel looga dhacay juhdigii loo soo galay laguna tirin jiray xilligaa inay ka mid ahaayeen sirdoonnada Afrika ugu firfircoon uguna horumarsan. La soco qaybaha xiga

W/Q: Ahmed Karate
e-mail: amm.karate@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid