Shir caalami ah oo Somalia darteed loo qabanayo + Halka uu ka dhacayo

Nairobi (Caasimada Online) Dalka Kenya ayaa lagu qaban doonaa shir wayne looga hadlayo maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyay urur la yiraahdo Golaha Dhaqaalaha Soomaaliya (Somalia Economic Forum) ayaa loogu talagalay in lagu eego sida ugu haboon ee maalgashi loogu sameenaayo Soomaaliya.

Xasan Dudde waa maareeyahaya ururkan wuxuu sheegay in shirkan looga gun lee yahay siddii Soomaaliya loo siin lahaa dhaqaale si ay cagaheeda isugu taagto.

Wuxuu kaloo sheegay in madaxda siyaasadda Soomaaliya ay horay u qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo xasillooni siyaasadeed, kuwaas oo horseeday in ay soo baxaan fursado ganacsi iyo kuwo dib loogu dhisi karo dalka.

“Shirka maalgashiga Soomaaliya wuxuu fursad bandhig u noqon doonaa shirkadaha isgaarsiinta, gaadiidka dhismaha, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada iyo warshadleyda” ayuu yiri Xasan.

Si kastaba, shirkan ayaa la gu wadaa in uu dhaco 12 – 13 June ee sanadkan 2013-ka.

Waxaa jira dad badan oo raba in ay maalgashi ka sameeyaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay arkeen shirkadaha Coca-Cola, Turkish Airlines, Africa Oil, SKA iyo kuwa kale oo ka howlgalaya Muqdisho.

Sidoo kale waxa jira Soomaali badan oo Muqidsho dib ugu soo laabtay kuwaasoo billaabay in ay maalgashi ka sameestaan magaalada, waxana ay ka dhiseen xarumo iyo hotelo waayn oo aan horrey loo arkin.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi