Kenya oo walaac xoogan ka muujisay tallaabo muran dhalisay oo ay qaaday DF

Nairobi (Caasimaa Online) – Heshiiska shidaalka ay dowladda federaalka ay la gashay shirkad laga leeyahay ayaa walaac xooggan ku abuuray dowladda Kenya, sida uu qoray wargeyska The East African ee Nairobi.

Heshiiskan ayaa waxaa 19-kii Febraayo ku dhowaaqay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, oo sheegay inuu la ogaa madaxweyne Farmaajo, laguna qaatay 7 milyan oo dollar.

Si kastaba waxaa si isku mid ah u heshiiska u diiday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo ra’iisul wasaaraha uu sheegay inuu qaadi doono tallaabo jawaab u ah.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa u sheegay wargeyska The East African inay ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay qandaraas shidaal sahmin ku bixisay goobo ay sheegtay in lahaanshahooda weli uu muran ka taagan yahay, sida ay hadalka u dhigeen. 

Diblomaasi sare oo Kenyan ah ayaa sidoo kale sheegay in inkasta oo Kenya aysan argagaxsaneyn haddana ay il gaar ah ku hayso arrimaha ka socda Muqdisho.

“Weli aad nooma baqdin gelin, balse waan ka walaacsannahay, shirkadahaas waxaan ku eegeynaa il gaar ah,” ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyey oo la hadlay The East African. 

Heshiiska ayaa saraakiisha Kenya ka dhigay kuwa aan tallaabo qaadi karin kadib markii ay diideen madaxda sare ee Soomaaliya, sidaas darteedna Kenya xitaa cabasho diblomaasiyadeed uma gudbin karto Muqdisho. 

Kenya waxay ka walaacsan tahay in goobaha qandaraaska lagu bixiyey ay ku jiraan aaggii ay hadda kahor ku murmeen Soomaaliya, balse ay Maxkamadda ICJ u xukmisay Soomaaliya. Kenya waa ay diiday go’aanka Maxkamadda.

“Ficil kasta oo Soomaaliya ay u qaado dhanka dhul badeedka lagu muransan yahay waxaa loo arkaa mid xaaladda sii xumeynaya, islamarkaana adkeynaya in muranka laga gaaro xal nabadeed,” ayuu yiri sarkaal kale oo Kenya ah.

Diidmada ay Kenya ka qabto in xuduudaha caalamka isbeddelo lagu sameeyo, waxay mar kale toddobaadkan ku muujisay shirka Golaha Ammaanka QM kadib markii ay kasoo horjeesatay duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Hadalka uu halkaas ka jeediyey wakiilka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa loo arkay farriin kale oo Kenya ay direyso, oo ay ku sheegeyso inaan la taaban karin xuduudaheeda, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in ayada ay kusoo xadgudubtay xuduudda Soomaaliya. 

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa bishii October ee sanadkii hore 2021-ka inta badan u xukumisay Soomaaliya dhul badeedkii uu muranka ka taagna, ayada oo xukunkaasi ay ku qancin Kenya oo illaa maanta ku doodaysa in weli muran ka taagan yahay.

Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan waxay magaalada London heshiis kula gaartay shirkadda Shidaal baarista ee Coastline Exploration Ltd oo iyadu aheyd shirkaddii iibsatay shirkaddii kale ee la oran jiray Som Oil and Gas, taas oo ogolaansho ka heysatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa xaq loogu siiyey shirkadda inay qaarna sahmiso, qaarna qodis ku bilowdo, ilaa 7 ceel shidaal oo ku yaalla biyaha Soomaaliya ayaa loo saxiixay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa isna heshiiskaan iska inkiray oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. Saacad kadib Wasiir Cabdirashiid wuxuu la hadlay VOA, isagoo sheegay in Farmaajo la ogaa heshiiskaan, ayna isaga iyo Farmaajo ka wada shaqeeyeen, balse uu Farmaajo dhibsaday falcelinta Baraha Bulshada.

Si kastaba, heshiiskaan ma dhaqan geli karo dhowr arrimood dartooda, kuwaasi oo kala ah; In uu kasoo horjeedo heshiiska IMF iyo Soomaaliya ee deyn cafinta, Is-mari-waa ka taagan heshiiska kheyraad wadaaga ee DF iyo maamulada, Meel mari la’aanta sharciga canshuurta bariga iyo in aan lagu saxiixin gudaha dalka.