Deni iyo Maxamuud Diyaano oo saacadaha soo socda ku kulmaya Boosaaso – Xog

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo Agaasimaha hay’adda amniga ee PSF Sareeyo Guuto Maxamamuud Cismaan Cabdullahi Diyaano.

Kulanka oo ay garwadeen ka yihiin isimada iyo wax garadka Puntland ayaa qaban qaabadiisa muddooyinkii la soo dhaafay waxa ay ka socotay magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa horay u diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland taas oo markii dambe sababtay in dagaal maalmo socday uu magaalada Boosaaso uu ku dhexmaro ciidamada PSF iyo kuwa ka amar qaata madaxweynaha Puntland.

Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro khilaafka labada dhinac mudada dheer u dhaxeeyay kaas oo hakad geliyay horumarka magaalada.

Boosaaso ayaa lagu wadaa in lagu qabto todobaadka soo socda doorashada 16 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada 5-6 bisha soo socota.

Deni ayaa doonayo inuu maamusho kuraasta taalo Magaalada Boosaaso, wuxuuna loolan adag kula jiraa kooxda Nabad iyo Nolol oo rabto inay la qeybsato kuraastaas.