Khadiija Maxamed Diiriye oo beesha reer abtiyaasheed uga digtay ‘arrin ay wadaan’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baaramaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan faragelin ay abtiyaasheed ku hayaan kursigan xildhibaanimo oo ay ku fadhiso.

Wasiir Khadiija oo ay dhinacyada ka fadhiyeen haweyn ay ku sheegtay inay yihiin kuwa habaryar u ah ayaa sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay kasoo jeedaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe islamarkaana ay iyada leeedahay HirShabelle.

Waxay sheegtay in hooyadeed ay kasoo jeedo Hawiye, Hiraab, Mudulood halka ay tilmaamtay in aabaheed uu kasoo jeedo Beesha Yaxar oo labaduba saami qeybsi ku leh maamulka HirShabelle.

“Aniga hooyadeey iyo aabahey waxay kasoo jeedaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waxaa si cad oo aan leex leex laheyn u dhihi karaa HirShabelle anigaa iska leh oo kasoo jeedo, kursigeyga laguma dhici karo mana dhici karaan reer abitgeey,” ayey tiri wasiir Khadiija.

Waxay sheegtay inay jiraan dad isku dayaya inay boobaan kursigeeda kuwaas oo ay ku eedeysay inaysan waligood qof xil u raadin ayagana aysan helin 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Soomaaliya waxaa wax lagu qeybsadaa 4.5, aniga cidda aan kursiga ugu fadhiyo ee Yaxar ayaa isoo hormariyey, ayagaa kursigaan i siiyey mana jirto cid iga qaadi karto, waana qalad in qolo kale ay kusoo xad gudubto kursiga beesheeda,” ayey tiri mar kale Khadiija Diiriye oo u muuqato inay culeys kala kulmeyso Mudulood.

Waxay ku faantay in aabaheed iyo awoowayaasheed ay ahaan jireen madaxda hoggaamiso beesha ay kasoo jeedo ee Yaxar halka ay sheegtay in dhanka yooyadeedna ay yihiin reer waligood hoggaanka u heyn jiray dumarka Soomaliyeed.

Hadalka wasiir Khadiija Diiriye ayaa kusoo aadayo xilli ay socdaan olole looga soo horjeedo inay mar kale kusoo baxdo kursiga Xildhibaanimo ee beesheeda.

Dhawaan ayey aheyd markii odayaal kasoo jeedo beesha Yaxar ay sheegeyn in Khadiijo Diiriye aysan dhaxal u laheyn kursiga ay ku fadhiso isla markaasna aysan jirin go’aan ay beesha ku gaartay inay iyada kaligeed kursiga iska heysato.