Xukuumadda oo ansixisay miisaaniyadda 2022, laba agaasime iyo guddi wasiiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir ay ku ansixiyeen ilaa seddax ajende oo kala ah ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka, Agaasime cusub oo loo magacaabay hey’adda Socdaalka iyo guddi wasiirro ah oo loo xil-saaray daba-galka wareegtadii hakinta iibka dhulaalka ee Madaxweyne Farmaajo soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyey kulankii ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirradaSoomaaliya, kaas oo la isaga wareystay xaaladda guud ee dalka.

Ugu horeyn Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay warbixinta maaliyadeed ee dalka, waxaana kulanka lagu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda, waa 2022-ka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasaaradda ku bogaadiyey kororka miisaaniyadda iyo qaabka ay ugu soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda ayuu u mahad-naqay Rooble.

Sidoo kale Golaha ayaa kulankii maanta ku ansixiyey in Cabdulqaadir Cilmi Cali loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka., waxayna uga mahad-celiyeen Agaasimihii hore ee hey’adda Maxamed Aadan Koofi shaqadii uu soo qabtay.

Isla kulankii golaha wasiirrada waxaa sidoo kale maanta lagu ansixiyey guddoonka hay’adda batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud iyo Guddi wasiirro ah oo loo xilsaaray fulinta wareegtadii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud ah.

Xubnaha guddigaas oo ka kooban afar Wasiir ayaa kala ah:

1 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xusen  Afrax Guddoomiye
2 –Wasiirka Cadaaladda  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xubin
2 – Wasiirka Amniga Gudaha  Cabdulaahi Maxamed Nuur, Xubin
4 – Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi  Abuukar, Xubin

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Wasaaraha.