Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa guul ka sheegtay dagaal laba maalmood qaatay oo ka dhacay magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo ‘maleeshiyad deegaanka ah’ oo kasoo horjeedo maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Sida uu baahiyay Telefishinka Koonfur Galbeed, dagaalka ayaa goordhow soo gabagaboobay, waxaana lasoo afjaray ‘maleeshiyaadkii kasoo horjeeday ciidanka’ kuwaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil caan ka ah magaalada.
Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda laga dhigay wax nolol lagu qabtay kuwa cararay, isla markaana weli la daba joogo.
“Burcaddii nabad-diidka ahayd ee dhibaatada ku haayey shacabka reer Baydhabo oo wax nolol lagu qabtay iyo wax cararay laga dhigay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Bilaal oo la hadlay warbaahinta ayaa boggaadiyay howlgalka ciidanka, wuxuuna xaqiijiyay in laga adkaaday ciidankii kasoo horjeeday ee shalay iyo maanta ay la dagaalameen.
“Waxaan idiin xaqiijinaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in kooxdaasi fadqalalaha ka abuuray saacadihii la soo dhaafay magaalada Baydhaboi inay ahaayeen kooxo isbaaraleey ah oo burcad ah oo aysan ahayn kooxo mucaarad ah ama siyaasad ku lug leh’’. ayuu yiri Wasiirku.
Dagaalka saaka ka dhacay Baydhaba ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen guriga wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya, Xasan Eelaay oo ay isku dhacaan yihiin maamulka.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan ayaa salka ku hayo muran xooggan oo ka dhashay dhul ku yaalla aagga uuqa Xoolaha ee magaaladaasi.
Si kastaba, Xiisaddan ayaa kusoo aadeyso, xilli la filayo in Koonfur Galbeed ay aado doorasho, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Laftagareen.

