Koox ganacsade caan ah ku dilay Muqdisho kadibna la baxsaday baabuurkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow ganacsade si weyn loo yaqaan ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa kooxaha hubeysan ee dilay waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaala Ex. Koontarool Afgooye, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Hubeysay dileen Cabdi Biifane xili uu kasoo baxayay gurigiisa, waxayna qaateen Gaari Prado ah oo uu watay, waxaana rasaasta ku dhaawacmay Gabar u dhalay oo albaabka taagneyd.

Ehelka Cabdi Biifane ayaa sheegay inuu ka ganacsan jiray dajinta noocyada kala duwan ee gaadiidka, lamana oga sababta iyo dadka ka dambeeya dilkiisa oo maanta dhacay.

Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay, balse kooxaha dilka geystay ayaa ku baxsaday gaariga Marxuumka oo ay kala dageen markii ay toogteen kadib, sida ehelkiisa ay sheegeen.

Dilalka Qorsheysan ayaa kadhaca magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay sameeyaan baaritaano joogto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com