Koox Russia ka dhisan oo Messi ku dalban rabtay 205 milyan.

Wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa dalka Spain El Mundo Deportivo ayaa maanta qoray in koox ka dhisan dalka Ruushka ay is-af-garad ku gaareen inay Lionel Messi kusoo iibsadaan lacag Rikoor ah, waxayna xidigaan reer Argentina dooneysay inay ku dalbato mushaar ah 30 milyan oo euro Isbuucii. Waana intii lagu jiray wadahadaladii uu Messi qandaraaska ugu kordhinaayey Barcelona.

Hase yeeshee, 25-jirkaan ayaa iska diiday inuu meelna uga dhaqaaqo Barcelona wuxuuna qandaraaskiisa kooxda Ispaanishka ah ku kordhiyey laba sano oo dheeraad ah taasoo ka dhigeysa inuu ilaa 2018 sii joogo Camp Nou Stadium.

Maadaama aan kooxdaas la carabaabin way iska cadaatay inay tahay kooxda Anzhi Makachkala, taasoo uu leeyahay Bilyooneer Suleyman Kerimov.

2011kii, Anzhi ayaa la saxiixatay weeraryahankii hore ee Barcelona  Samuel Eto’o, waxayna ka dhigtay xidiga ugu mushaarka badan kubada cagta caalamka.

Warsidaha El Mundo Deportivo ayaa yiri: “Messi wuxuu diiday inuu u dhaqaaqo Ruushka sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu koobab kula guuleysto Barcelona.”

Kabtanka xulka qaranka Argentina ayaa dhaliyey 91 gool sanadkaan 2012 waxaana la rajeynayaa inuu markiisii afaraad ee isku xigta ku guuleysto Abaal-marinta FIFA Ballon d’Or.

Ciyaaryahan walba oo ka ciyaara Kubada Cagta Spain wuxuu heystaa qiimo lagu burburin karo qandaraaskiisa, labada xidig ee xafiiltama Messi iyo Ronaldo waxay ku dhowaadaan inay qandaraaskooda lagu burburiyo min 250 milyan oo euro.