DF oo ka qeyb galeysa shirka Ahlusuna

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in wafdi heer caalami ah, ay ku wajahan yihiin magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Wafdigan oo booqan doona maalmaha soo socda magaalada waxa ku jira wasiiradaha gaashaandhigga, qorshaynta iyo maaliyadda iyo arrimaha gudaha.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna, wafdiga ayaa ka qaybgali doonaa shir Ahlu Sunna uga furmay magaalada Dhuusamarreeb kaasoo looga hadlaayo maamul u sameenta gobalkaas.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxana loo xilsaaran soo dhaweynta wafdiga ka immaanaya magaalada Muqdisho, xubno ka tirsan maamulka Ahlu Sunna.

Wafdiga booqan doona magaalada ayaa u kuur gali doona xaalladda ammaan ee magaalada iyo in ay kulamo la qaataan maamulka Ahlu Sunna.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi ka socda dowladda uu booqasho ku tago magaalada Dhuusamarreeb, tan iyo markii la doortay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahlu Sunna xiriirka ay la leedahay dowladda Soomaaliya ma ahan mid fiican, waayo waxa ay saluugsan tahay qaabka uu u shaqeeyo maamulkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho