Evra: SAF waana burinayaa hadii Man City nasoo qabato.

Daafac bidixeedka kooxda Manchester United Patrice Evra ayaa si kajan ah u sheegay in tababaraha Gaamuray Sir Alex Ferguson uu ciyaartoyda kooxda oo dhan raacdeynayo hadii ay soo qabato kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, kuwaasoo ay hugaanka uga hayaan 7 dhibcood, xilli ay United ka gaashaamaneyso wixii ku dhacay sanadii hore.

Red Devils ayaa sideed dhibcood hugaanka uga heysay kooxda ay isku gobolka yihiin xilli ay shan kulan ka harsaneyd xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin kooxda Roberto Mancini ayaa ku dagaalantay horyaalka ilaa maalintii ugu dambeysay markaasoo ay ku guuleysteen.

Hadaba xiligaan kooxda Ferguson ayaa todobo dhibcood hugaanka kaga heysa City, iyadoo guul soo daahday ka gaartay kooxda Newcastle, halka City ay ku bariiqatay kulankii ay la ciyaartay Sunderland.

Daafaca heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in hadii Sky Blue mar kale soo qabato United markaas uu Sir Alex raacdeyn doono.

“Waxay ciyaar waalan u aheyd dadka kubada cagta jecel, waxay aheyd ciyaar weyn,” ayuu 31-jirkaani u sheegay TV-ga laga leeyahay dalka France ee Canal Plus.

“Dhamaadkii, waxay aheyd inaan helno wax xoogaa fursado fiican.

“Ma aanan arkin si la mid ah sida ay ciyaartoydu u faraxsanaayeen markii lagu jiray qolka lebiska. Waqtigii kala barka Sir Alex ayaa noo sheegay hadii aan guuleysano kulankaan, markaas inaan fursad weyn u heli karno inaan Horyaalka noqono mar kale.

“Xasuuso, markii aan todobo dhibcood kaga hugaamineynay sanadii hore waxaan horyaalka ku weynay farqiga goolasha. Hadii aan mar kale sameyno sidaas oo kale sanadkaan, Ferguson waaba na ceyrin doonaa dhamaanteen!”