Xusuusta uu K/cagta ku reebi doono sanadkaan dhamaadka ah.

Kubada cagtu marna waa mucjiso marna waa juhdi aad bixiso, mar adigoo guusha iska leh ayaa lagaa qaadayaa marna adigoon laheyn ayaad heleysaa, xasuusyada uu sanadkaan dhamaadka ah nagu reebay iyo diiwaan gelintii FIFA ayaa daaha laga qaaday, halkaan ayaana idinkugu soo koobeynaa, waxayna ka kooban yihiin 12 dhacdo oo muhim ah.

Zambia 1993dii ayey xaq u laheyd CAF laakiin markeeda Ivory Coast ayey ka qaaday

12 February

  • Zambia ayaa ku guuleysatay CAF Africa Cup Nations markeedii ugu horeysay bishii Febraayo waxayna noqon doontaa mid aan ka bixin maskaxda taageerayaal badan. Waxay ka adkaadeen xulkii koobka ugu cadcadaa Cote d’Ivoire taasoo aheyd mid argagax leh. Laakiin waxay aheyd markoodii ay ugu fiicnaayeen Libreville tan iyo 1993dii markaasoo inta badan ciyaartoydii Zambia ku geeryoodeen shil diyaaradeed, si kastaba, waxaa la dhihi karaa Zambia waa soo kabsatay waan qaran Mucjiso leh.

Fabrice Muamba oo geeri ka badbaaday

17 March

  • Waa dhacdadii ugu xumeyd ee sanadkaan dhamaadka ah la diiwaan geliyey markii uu Fabrice Muamba wadnuhu istaagay intii ay kooxdiisa Bolton Wanderers la ciyaareysay kooxda Tottenham ciyaar ka dheceysay white Hart Line, xidigaan ayaana wadnuhu istaagay daqiiqadii 78aad markaasoo cusbitaalka lagu soo dabiibay nasiib wanaag waa uu ka badbaaday geeri.

Aguero oo 44 sanadood ka dib Man City gacanta ka saaray EPL

13 May

  • Horyaalka Ingiriiska ayaa gaaray in lagu kala baxo daqiiqadii ugu dambeysay ilaa bilowgii… ka dib markii ay Queens Park Rangers, kulankii ugu dambeeyey Etihad Stadium kula ciyaartay Man City, ciyaarta ayaa ku dhoweyd inay ku dhamaato 2-1 ka hor inta uusan Dzeko kooxda martida loo ahaa u dhalin goolka barbaraha, laakiin waxaa markaas ka dib aduunka ka yaabiyey Sergio Aguero uu Sky Blue 44 sanadood ka dib u xaqiijiyey horyaalkoodii ugu horeeyey.

Drogba oo rumeeyey Riyadii Roman Abramovich

19 May

  • Didier Drigba ayaa noqday halyeey Chelsea ah markii uu gacanta Blues kusoo riday UEFA Champions League, Finalkii Alianz Arena ayaa ahaa mid ay inta badan taageerayaasha Kubada cagta ka faaloodaan, weeraryahanka Ivory Coast ayaana dhaliyey gool madax ah oo aad u xoog badan, isagoo barbareeyey goolkii furitaanka ee Thomas Muller, wuxuuna sidoo kale kooxda Stamford Bridge u dhaliyey goolku laadkii u dambeeyey ee guusha.

Tahiti isaga ayaa koobka ka qaatay Antipodes

10 June

  • Ka hor sanadkaan, OFC Nations Cup lagama qaadin Antipodes. Sidaas darteed waxay aheyd wax lala yaabay markii ay New Zealand ku guul darreysatay inay gaarto Finalkii Solomon Islands.  Bedelkeeda Tahiti iyo New Caledonia, ayaa u dagaalamay markii uu gool u dhaliyey Steevy Chong Hue kaasoo u xaqiijiyey horyaalka.

Waa la yaab in koox heysata 54 horyaal loo celiyo heerka sedaxaad

14 June

  • Dhaqaale daradii ku habsatay Rangers ee kaliftay in laga saaro horyaalka heerka koowaad ee dalka Scotland weli waa wax aan maan gal aheyn, ka dib 140 sanadood oo ay ku qaaday 54 horyaal waana in ka badan koox walba oo caalamka ka dhisan laakiin bartamihii June. Kooxda Glasgow waxaa maal gashi ku sameeyey shirkad cusub xilli ay haatan ciyaarto horyaalka heerka sedaxaad ee dalka Scotland, kuwaas oo haatan sagaal dhibcood hugaanka ku haya.

Rigooradii Qabiirka Talyaaniga Pirlo 

24 June

  • Italy ayaa 2-1 looga hugaaminaayey goolku laadyada kulankii ay la dheeleysay England koobka Qaramada Qaraada Yurub 2012, Riccardo Montolivo ayaana qasaariyey goolku laadkii loo dhigay, laakiin Andrea Pirlo ayaa si degan Goolku laadkiisa uga dul qaaday Joe Hart oo dhanka kale isku tuuray, taasoo noqotay wax taariikhda gala markii ay Italy 4-2 goolku laadyo ah kaga talaabsatay Three Lions.

Spain oo Talyaaniga Sabuurad ugu qortay sida loo dheelo

1 July

  • Hadii ay laba xul isugu soo haraan Final micnaheedu waa inay labadoodu ugu fiicnaayeen xulalka dhacdadaas kasoo qeyb galay, ka hor kulankaan ra’iyul caamka Talyaaniga iyo inta falanqeysa kubada Talyaaniga wuxuu ahaa inay Spain uu daal badan ka muuqdo aysana awoodin inay Euro 2012 ka qaadaan Azzurri, wiilasha Vicente Del Bosque ayaase inta Jeeso iyo Qalin u qaateen Talyaaniga waxay bareen sida loo dheelo iyadoo Italy looga qaaday Rikoorkii ugu sareeyey ee Lagu qaado Final koob Yurub markaasoo la cunsiiyey 4 gool oo aysan xittaa keensan goolka calanka.

Morgan oo hurdo fiican u dirtay Canada.

6 August

  • Old Trafford ayu ka dhacaayey kulankaan xiisaha badan, laakiin USA ayaa garaacday xulka Hablaha Canada markii gool soo daahay ay 4-3 kaga talaabsadeen ciyaarihii Olimbikada London Alex Morgan ayaan u dhalisay goolka guusha waqtigii dheeriga ahaa.

Zlatan Ibrahimovic oo u awood sheegtay Ingiriiska

14 November

  • Furtaankii Friends Arena iyo feystadii Zlatan Ibrahimovic, xidigaan ayaana la yaab ku dhigay xulka Engaland ka dib 915 ciyaar wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey ee afar jeer shabaqa Ingiriiska soo taabta keliya hal kulan.

Messi oo oo 40 sano ka dib ka takhalusay Rikoorkii gool dhalinta Muller

9 December

  • Rikoorkii la gaari waayey 40 sano. Hada waxaa jebiyey xidiga ugu wanaagsan caalamka, wuuna ku faraxsan yahay inuu sidaas sameeyo, Gerd Muller ayaa gool dhalinta hal sano laga dhaliyo Yurub hugaanka u hayey isagoo dhaliyey 85 gool sanad oo keliya, Lionel Messi ayaase ka jebiyey sanadkaan 2012 markii uu dhaliyey 91 gool tartamada oo dhan.

Corinthians oo Japan ku jajabsatay Chelsea.

16 December

  • Kooxda ka dhisanPaulista ee Corinthians ayaa ku guuleysatay markeedii ugu horeysay koobka Kooxaha Aduuna iyadoo koobkaan qaaday ka dib markii ay soo safartay masaafo dheer, Paolo Guerrero ayaana u dhaliyey goolka guusha.