Kooxda Al-Shabaab oo soo bandhigay cajalad ay ugu hanjabayaan saxaafadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadkan soo bandhigay cajalad dhif iyo naadir ah oo ay ku weerarayaan saxaafadda madaxa banaan, iyaga oo qeybaha kala duwan ee warbaahinta ku tilmaamay kuwa ay soo adeegsadeen wax ay ugu yeereen ‘cadawga islaamka’.

Cajaladda oo lasoo dhigay barta Telegram-ka, laguna baahiyay bogag Facebook oo si aan joogto ahayn kolba hawada loosoo galiyo, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka dambeyso qorshe ay sheegeen in saxaafadda ay ku jalaafaynayso halgankooda. Qaramada Midoobay ayay AS sheegtay in ay tabobaro u fidiso weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Saxafiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu soo qaatay cajaladda, waxaana ka mid ah Wasiirka Warfaafinta iyo ku xigeenkiisa Daauud Aways iyo Cabdiraxmaan Al Caddaala, waxaa kale oo ka mid ah weriyeyaal ka tirsan idaacadaha BBC iyo VOA iyo kuwa gudaha.

Cabdinaasir Axmed Bashiir oo ka mid ahaa saxafiyiinta cajaladda lagu weeraray, laguna sheegay in ay Qaramada Midoobay soo tabobartay, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan cajalkan isaga oo dalka dibedda uga maqan, wuxuuna yiri “Kooxdani waxa ay saxaafadda ku weerarayso ma ahan kaliya maxaad u sheegeysaan ficilada foosha xun ee aan dalka ka samaynayno, ee sababta ugu weyn ee ay saxaafadda u weerarayaan ayaa ah in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka xiraan il kasta oo xog, aqoon, ka warqab iyo fahamba ay ka heli karaan, waayo tani waa tiirka koowaad ee lagu taago nidaam kasta oo kaligii talis ah, xukunkana maroorsada. Marka dadka laga xiro isho xogta, waxaa soo baxaysa bulsho dhego xiran oo wixii la doono loo sheegi karo, laga dhaadhicin karo, ayna sahlantahay in la xukumo”.

Cabdinaasir oo hadalka sii watay ayaa sheegay in markii kooxdani ay soo baxday dhawr iyo tobon sano ka hor meeshii ugu horeysey ee ay weerartay ay ahayd saxaafadda iyo shirkadii aflaamta turjumi jirtay ee Alfaghi, iyaga oo fagaaro ku gubey cajalado tiro badan oo aflaam Afka Soomaaliga ku turjumey “Sababta ma ahayn in ay xaaraan u arkaan diin ahaan, ee waxa ay ahayd in aysan doonayn in dadweynaha ay arkaan nooca nolosha ka jirta dunida kale, si ay u sahlanaato in lagu qanciyo in nolosha la bado ay tahay tan ugu fiican” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Bashiir oo kasoo shaqeeyay warbaahinta gudaha sida Goobjoog, Jubbaland TV iyo Radio Kismaayo iyo kuwa caalamiga ah,

Kooxdan ayaa la xusuustaa in ka sokoow in ay laysay saxafiyiin badan ay sidoo kale qaadatay dhammaan qalabkii idaacadaha Horn Afrik iyo kuwa kale, sida warlalisyadii FM-ta , kuwaas oo lagu xoojiyay idaacaddii Andulus ee kooxdani lahayd.

Xeeldheereyaal amni oo kala duwan oo shabakadani la hadlay ayaa sheegay in cajalkan uu yahay digniin iyo hanjabaad isku jirta, uuna muujinayo in ay soo socdaan dilal qorsheysan oo saxaafadda ka dhan ah.