Kooxda ololaha Farmaajo oo falsafado cusub kusoo galay suuqa doorashada – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ololaha madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa suuqa ololaha doorashada madaxweynaha lasoo galay falsafado cusub si ay mar kale Villada ugu soo noqdaan.

Kooxda Ololaha oo kulan isugu yimid ayaa go’aamiyey in maalin kasta ay sameeyaan hadal heyn xooggan (Trending) oo 24 saac ee maalin kasta la hadal hayo inta laga gaarayo doorashada, waxayna taas shalay ka billaabeen inay adeegsadaan hal ku dhigyada mucaaradka ee ah Isbeddel doon taasoo la hadal hayey 24-tii saac ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxyaabaha ay kooxda ololaha madaxweyne Farmaajo go’aamiyeen waxaa kamid ah inay sare u qaadaan qiimaha lacagta la siinayo xildhibaanada si musharixiinta kale sicirka loogu qaaliyeeyo.

Kooxda ayaa go’aamisay in halkii xildhibaan la siiyo 100 Kun oo dollar, sidoo kalana waxaa loo ballan qaaday oo meel loo dhigay 200K oo kale oo la siinayo marka uu Farmaajo guuleysto taasoo ah wax aan horey looga isticmaalin doorashada Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa ah mid aad u badan oo ay adag tahay in mucaaradka inay bixiyaan iska dhaaf’e xitaa aanay usoo dhowaan karin.

Waxyaabaha kale oo ay sameeyeen waxaa kamid ah inay xildhibaanada isugu xir xiranaa koox koox loona sameeyo hal qof oo hoggaamiye u ah kaasoo loogu dhiibi doono 200 Kun oo dollar ee la siin doono marka uu guuleysto Farmaajo, taasi oo xaqiijin karta inaan la qiyaamin.

Kooxda ayaa ka fogaaneyso qorshayaashii hore ee looga adkaaday madaxweynayaashii xilka soo hayey maadaama inta lacag laga qaato laga coddeeyey, waxayna ku dadaalayaan inay xildhibaanada kusoo jiitaan 200K oo dollar oo meel loo dhigayo taasoo muujineyso inay kala aamin baxeyn xildhibaanada iyo kooxda Villa Somalia.

Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu kala jeedinayo xildhibaanada, waxaana waxyaabaha ugu badan ee loo adeegsanayo ololaha kamid ah lacag kaash ah, mid ballan qaad ah iyo xilal.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo asteeyey inay dhacdo 15 Bishaan, waxaana adag in lasii saadaaliyo cidda ku guuleysan karto, balse waxaa doorashooyinkii hore laga bartay in meesha laga saaro madaxweynaha talada hayey lamana ogo haddii uu jidkaas soo xirmi doono.