Kulankii u dhaxeeyey DF iyo maamul Goboleedyada oo soo geba-geboobay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhow soo gabagaboobay kulan u dhaxeeyey madaxda dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kulanka oo u qabsoomay habka aaladda fogaan aragga ee ‘ZOOM’ ayaa waxaa ka qeybgalay dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada, oo uu ku jiro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada qaar ay shirka uga qeyb galeen WhatsApp.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa khadka uga jiray dhanka WhatsApp-ka, waxaana markii dambe dhanka WhatsApp u soo wareegay Madaxweyne Waare iyo Qoorqoor, markii uu ka xumaaday qadka zoomka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo diyaarin lahaa kulanka weyn ee la filayo inay isugu imaadaan Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Waxaa sidoo kale looga wada hadlay saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya iyo sida looga hortagi karo iyadoo ay iskaashanayaan maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Sidoo kale ajendaha labada dhinac ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah isu soo dhowaanshiyaha dhinacyada, amniga, doorashada iyo arrimo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay casuumaad u fidiyey madaxweyneyaasha maamul goboleedyada si looga hadlo arrimaha hortabinta.