Taliye Odowaa oo ka hadlay ciidamadii shalay gadoodka ka sameeyey Muqdisho

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka hadlay gadoodkii ay Shalay sameeyeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27, kuwaas oo ka cabanayey mushaar la’aan.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay qaateen mushaharkoodii balse kuwa shalay banaanbaxa dhigay ay macquul tahay inay kamid yihiin ciidamada aan weli marin tirakoobka iyo kuwa ay cilado farsamo ka yimaadeen diwaangelintoodii oo aan weli lacag la siin sida uu hadalka u dhigay.

“Qaar ka mida ciidamada ayaa dhiman in la saxo, Guutada 8-aad iyo Guutada 9-aad ayaa sixitaanku ku socdaa xilligan hadda lagu jiro…” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Milatariga, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada ay mamnuuc ka tahay inay gadood sameeyaan.

Hadalka taliye Odawaa ayaa imaanayo xilli shalay ay agagaarka madaxtooyada xirteen Ciidamo ka tirsan Militariga oo kasoo baxay aaggaga difaaca ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Hiiraan maadaama sida ay hadalka u dhigeen waayeen xuquuqdooda ciidanimo.

Qaar kamid ah ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciidamada, iyada oo aan wax mushaar ah qaadan, hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay.

Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin inay shaqaaqo iyo qalalaase, isagoo ugu baaqay ciidamada inay ka fogaadaan wixii lid ku ah dishibiliinka ciidanka, lana sixi doono xuquuqda maqan qaarka yar ee ka mida ciidamada.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu mar kasta sheego in dowladiisa ay ku guuleystay bixinta mushaarka ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay inaan loo dulqaadan karin inay shaqaaqo iyo qalalaase, isagoo ugu baaqay ciidamada inay ka fogaadaan wixii lid ku ah dishibiliinka ciidanka, lana sixi doono xuquuqda maqan qaarka yar ee ka mida ciidamada.