Laba arrin oo xilligan kusoo beegtay shirka maamullada uga furmaya Kismaayo

Kismaayo (Caasimada online) – Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo magaalada Kismaayo maamul gobolleedyada Soomaaliya.

Kismaayo oo ah xarunta Jubbaland oo ahayd halkii lagu unkay golaha ay ugu magic dareen iskaashaatada maamul gobolleedyada ayaa hadda ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay doorasho galayaan saddex ka mid ah xubnohooda.

Fallanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa odorosaya in qodobada ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doonaa shirkaas ay ugu muhiim sanaan dooto laba; doorashooyinka iyo xiriirka dowladda dhexe ay la leeyihiin.

Doorashooyinka

Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa hadda si xoog leh uga socda qaban qaabada doorashooyin ay maamulladaas galaan.

Taas oo ay jirto, madaxda hadda uu waqtigooda dhamaanayo waxa ay walaac ka qabaan in dowladda dhexe ay kaalin ku yeelato habraaca doorashooyinka oo ay u arkaan in ay caqabad ku noqon doonto soo laabashadooda.

Waxaa la filayaa in ay uga doodaan qaabka ugu wanaagsan ee ay isaga cabin karaan arintaas.

Xiriirka oo la jaro dowladda dhexe

Mid ka mid ah qodobada xasaasiga ah ee ay uga doodi karaan ayaa noqonaya in ay xiriirka u jaraan dowladda iyaga oo mideysan.

Arrintan waxa ay uga gol leeyihiin in ay dowladda ku cadaadiyaan in aysan soo faro galin doorashooyinka ka dhacaya maamulada.

Haddii ay taasi dhacdo, waxa ay noqoneysaa markii ugu horreeysay ee ay xiriirka u jaraan maamul gobolleedyada iyaga oo mideysan dowladda dhexe.