Laba duuliye oo kaxeynayey Ethiopian Airlines oo arrin dunida ka yaabisay sameeyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Laba duuliye, oo kaxeynayey diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, ayay hurdo qabatay xilli ay diyaaraddu u jirtay dhulka 11,000 oo mitir. 

Tani waxay dhalisay in diyaaraddu dhaafto dhabbaha diyaaradaha ku ordaan ee garoonka kahor inta la toosin oo kadibna aysan si nabad leh u caga-dhigin diyaaradda, sida uu qoray warsidaha ka faallooda duulimaadyada. 

Hagayaasha gegida diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa ku guuleystay inay jiheeyaan diyaaradda, kadibna Suulliyayaasha oo hurdada kasoo toosay ayaa si nabad ah u dejiyay diyaaradda, sida u uku warrantay Jariiradda Aviation Herald.  

Howlwadeennada shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu sameynayaa baaritaan. Rakaabkii saarnaa diyaaradda waxay kasoo duuleen gegida Khartuum ee caasimadda Suudaan. 

Diyaaradda Boeing 737, waxay aalaaba ku qaadataa wax ka yar labo saacadood inay u kala safarto dalalkan deriska ah.  

Qaar badan oo ka falceliyay hurdada qabatay duuliyayaasha ayaa dareen la duubasho ah u muujiyay – iyaga oo ugu garaabay shaqada adag oo ay hayaan. La-yaabna kuma aysan tilmaamin inay shaqada gudaheeda ku hurdaan. 

“Si gaar ah uma eedeyn karo shaqaalaha Ethiopian Airlines kaliya; waa wax ku dhici karaa ugu yaraan qof kasta,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ka aragti dhiibay.  

“Eeddu waxay fuulaysaa shirkadda iyo kuwo xeerarka dejiya – ma ahan shaqaalahooda.” 

Kuwa kale ayaa si kaftan leh uga fikir dhiibanayeen hurdada ka tan badisay duuliyayaasha iyaga oo hawada ku jira. Laakiin falanqeeyayaasha arrimaha duullimaadka waxay dhacdadan ugu yeereen mid aad looga walaaco.  

“Inuusan duuliyuhu helin hurdo ku filan oo uu kaga maarmo inuu shaqadii ku gam’o ma ahan wax cusub, hayeeshe waa midda ugu halista badan oo ay wajahayaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda,” ayuu yiri Alex Macheras oo ah xeeldheere arrimaha duulimaadka ah.