Laba macno oo loo fasiran karo hadalkii C/Weli Gaas uu ku tuuray Saciid Deni

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xafladdii lagu caleemo saaray Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne xilka ka badalay ayaa sheegay in uu diyaar ula ahaan doono hoggaanka cusub talo iyo wax walba oo ay uga baahdaan.

Cabdiweli Gaas waxa uu sidoo kale hadal sarbeeb ah ku riday Deni oo uu u sheegay “In uusan noqon doonin Madaxweyne kursiga kula fadhiya”, balse mid wixii uu uga baahdo aan ka hagran.

Hadalkaas waxaa loo fasirtay dhowr macno balse waxaa iga soo baxay laba arrin oo ay dhici karto in aan lagu baraarugsaneyn.

1 –  Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole oo isna madasha ka hadlay ayaa marar badan dagaal hoose ku qaaday Gaas oo ay si weyn isu hayeen.

Faroole iyo Gaas shanti sano ee u dambeeyey waxa ay ahaayeen laba siyaasi oo aan hadalada isaga turin oo isla tagay ilaa iyo sagxadda hoose.

Hadalkii Gaas waxaa loo fasiran karay in uu ula jeeday aniga sida Faroole kursiga kugu qabsan maayo oo talada kugu qabsan maayo.

Marka la sii fasiro hadalkaas waxa uu u dhacayaa tuhun ka jiray in Faroole ku lug lahaa ol’olihii uu ku soo baxay Madaxweyne Deno oo Gaas na leeyahay anigii aan kala fogeyn ayaa ka maaro waayey ma adigoo oo uu ku caawiyey ayaa ka fadhiyaya?

1 – Xassan Sheekh

Waxaa jira dadka kale oo iyana qabi kara in Xassan Shikeh Maxamuud uu u sarbeebay hadalkaas.

Xassan Shikeh Maxamuud oo looga guuleystay doorashadii 2017 ayaa wax ka yar laba sano ugu soo laabtay Muqdisho oo ka furay xisbi siyaasadeed oo dhalleeceyn ku billaabay dowladda Farmaajo.

Dad badan ayaa rumeysan inay ahayd in Xasan Sheekh waqti siiyo dowladda, oo ay wax ku qabato, balse uusan dagaal siyaasadee dku bilaabin ayada oo xitaa aan laba sano dhameysan

Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas waxaa dhici karta in hadalkaas noqon karo kii ugu dambeeyey ee uu ku saameeyo siyaasadda Soomaalida islamarkaana uu in muddo ah ka maqnaan doono.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid