Jawaab: Hadalkii Museveni uu ugu gafay Soomaaliya

Keligi-taliska da’da ah ee Yuweri Mussaveni oo muddo 30 sano kabadan xukun keligistalis ah (Dictatorship) ku haysta talada waddankiisa Uganda ayaa meel fagaare ah ka sheegay in Dalka Soomaaliya yahay waddan aan dowlad lahayn oo baylah ah.

Yuweri oo aan xushmayn Diblomaasiyasadda iyo xiriirka waddamada qaarkood ayaa sidan oo kale dhowr jeer ugu gefay diblomaasiyadda islamarkaana madal  ka aflagaadeeyey dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaas oo kale Askari saaqid ah oo haysta derajada Gaashaanle sare kana tirsan howlgalka nabad-illaalinta AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday 2007 ayaa u sheegay Wargeyska  foreignpolicy.com  in Soomaaliya lamid tahay adiga oo Doofaar nadiifinaya islamarka aad nadiifisana Wasaqoobaya.

Isugeynta Weerarka iyo gefka Diblomaasiyadeed ee Keligitaiska Yuweri Musaveni iyo Askartiisu kuhayaan sumacadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxa ay u muuqdaan kuwo si wadajir ah oo ku talagal ah loo abaabulayo waxaana suuragal ah in Mussaveni uu ka gubanayo isbeddelka dhinaca ganacsiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya gaareyso iyo  xiriirka ganacsi iyo siyaasadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Yuweri waxa uu kaqaybqaatay laba afgembi oo lagu riday laba madaxweyne kaddibna waxa uu si xoog ah ku qabsaday dalka iyo dadka Uganda oo ah waddan xiran oo aan bad lahayn isaga oo markii lixaad u sharraxan in uu qabto xilka madaxweynaha, waxa uu dalka ku haystaa jabhaddiisii Dhaqdhaqaaqa wax iska-caabinta Qaranka (National Resistance Movement) taas oo u sameystay sanadkii 1986, balse uu u diiwaangashaday xisbi siyaasadeed.

Mar la weydiiyey Yuweri xilliga uu talada kadegayo ama ku celinayo xukun rayid ah waxa uu yiri: “Sidee ayaan uga tegayaa Moos/Muus aan beeray ama tallaalay oo billaabay in uu miro dhalo” sidaas waxa uu u sheegay BBC World News

Musaaveni waxa uu kadhashay qoys Sabool ah waxa uu ku soo koray dibjirnimo iyo aqoon la’aan, markii uu kaqaybgelayey ridista xukunkii Iiddi Amiin waxa uu isugu yeeri jiray in uu dalka xoreynayo balse markii uu qabsaday waxa ay dadka Uganda ugu yeereen Keligi talis macangag ah oo aan marna rabin in la la tartamo oo doorasho madaxbannaan kadhacdo Uganda.

Dadka Uganda Waxa ay kunool yihiin heerka ugu hooseeya ee xariiqa Saboolnimada caalamiga ah iyada oo qofka Uganda quuto lacag kahooseysa  laba dollar (2) maalinkii, waxaana 3.4 Milyan oo qof oo Uganda u dhashay ay ku nool yihiin saboonimo aad u xun sidaas oo kale warbaahinta iyo dadka siyaasadda ayaa cabbursan muddo 30 sano ah, waxa uu dil iyo musaafurin isugu daraa hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Ciidanka Uganda waxa ay kamid yihiin ciidamada ugu liita ee bariga Afrika dhinaca xuquuqda aadanaha iyo xushmeynta xeerka caalamiga ah ee illaalinta nabadgelyada Qofka, sanadkii 2011 tobonaan qof oo katirsan taageerayaasha hoggaamiyaha jabhadda isbeddeldoonka Uganda Kizza Besigye ayaa geeriyooday kaddib ciidanka Nabadgelyada oo kufuray rasaas.

Sida lagu qoray warbixinta xuquuqda aadana ee Uganda 2017, December-2017 waxa uu Baarlamaanka ka ansixiyey in Dastuurka laga saaro qodobada xadeynaya da’da madaxweynuhu haddii uu gaaro uusan hayn Karin xilka ama uusan u tartami kari.

23-June-2017 ciidanka UPDF iyo UPF waxa ay toogteen oo dileen Erasmus Irumba oo ahaa qof u ololeeya xuquuqda aadanaha, kaddibna waxa ay dowladdu diidday in la baaro, waxa kale oo lagu qoray warbixinta xuquuqda aadanaha ee Uganda 2017 in ciidanku dowladdu maraanmaro oo jirdilo qof walba oo loo arko in uu kahor iman karo madaxweyne Yuweri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com