Warbixinta musuqa dunida 2018 iyo kaalinta Somalia: DF horumar ma sameysay?

London (Caasimada Online) – Hay’adda Transparency International, ayaa soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee looga hadlo waxyeellada musuqa.

Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuqa iyo kuwo ka guuleystay.

Dalalka ka guuleystay waxaa safka hore ka galay Denmark, iyo New Zealand, kuwaas oo keensaday dhibco gaaraya 88 iyo  87 oo ka mid ah 100-ka dhibcood ee qiimeynta, sida ay u kala horreeyaan.

Dhinaca Waddamada uu la degay musuqa ee uu hoos u dhigay Dimuqraadiyadda waxaa hoggaaminaya Soomaaliya, Syria iyo Koofurta Suudaan, waxaana ay keensadeen dhibco gaaraya 10, 13, iyo 13, sida ay u kala horreeyaan.

Si kastaba, Somalia ayaa hal dhibic kor uga soo kacday sanadkii 2017, markaasi oo boqolka dhibcood ay ka heshay kaliya sagaal, halka qiimeynta sanadkii 2018, ay heshay 10 dhibcood.

Warbixinta waxaa kale oo lagu muujiyay in Gobolka ugu musuqa badan Caalamka uu yahay waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana ay tiradoodu gaareysaa 32 dal.

Falanqeynta iyo abla ableynta Jaantuska ay soo bandhigtay Hay’adda Transparency International, ayaa muujinaya in 90% uu musuqa saameeyay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com