Lafta-gareen oo shaaca ka qaaday cidda ‘caqabada ugu weyn’ ku ah maamulkiisa

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha uu ka dhaqaaqi laayahay maamulkiisa, kaasi oo uu sheegay inay sabab u tahay in uu istaago horumarka maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabada u weyn ee maamulkiisa Koonfur Galbeed haysata ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in go’doominta Al-Shabaab ay keentay inaysan isku gudbin degmooyinka qaar oo ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoona xusay in afar degmo oo ka tirsan maamulkiisa ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.

Lafta-gareen ayaa carabka ku adkeeyay in Koonfur Galbeed ay ka dhaqaaqi laadahay amni darada ay horseedka u yihiin Shabaabku, hase yeeshe ay dagaal xoogan kala hortagi doonaan.

“Caqabado amni ayaa ka taagan Koonfur Galbeed, waxaana waajib ah in si wada-jir ah looga howl-galo in la isku furo waddoyinka deegaanada iyo degmooyinka maamulka” ayuu yiri Madaxweyne Laft-gareen.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay Shabaab sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameyso maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo mararka qaar ka geysata dilal qorsheysan iyo falal amniga lidi ku ah.