Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka Baydhaba ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka lixda gobol ee Madoobe Nuunow uu si rasmi ah ugu biiray maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Arrinkaani ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii kulan ballaaran uu Magaalada Baydhaba ku dhexmaray Xubno ka kala socda Labada dhinac, iyadoona kulankaasi ay goobjoog ka ahaayen Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsanaa BF Somalia.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa waxa ay isla meel dhigeen inta uu kulanka socday awood qeybsi dhanka Jagooyinka.
Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim Ajuuke oo ka mid ah xubnaha maamulka Madoobe Nuunoow ayaa u sheegay Warbaahinta in lagu heshiiyay in iyaga la siiyo xilka madaxweyne ku-xigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka, taa oo uu ku tilmaamay in ay tahay xalka ugu haboon ee Labada dhinac isugu yimaadeen.
Cabdiqaadir Maxamed oo arrintaasi faahfaahinaayay ayaa waxa uu yiri “Kulankaan ma aysan joogin Madoobe Nuunoow iyo Shariif Xasan hase ahaatee waxaa joogay xubno matalaayay, waxaana sidoo kale madasha ku sugnaa xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka, waxaa ka mid ah Aadan Madoobe, Xaabsade iyo xildhibaano kale, waxaana heshiiskaan uu ka dhacay taliska ciidamada AMISOM ee Magaalada Baydhaba, wax walba waan wada qeysaneynaa, anaga waxaan dib u eegnay danta shacabka, wixii naga maqan dib ayaan ka raadsaneynaa”
Waxa uu Tilmaamay in Madoobe Nuunoow uu xiligaani diyaar u yahay inuu wada hadal muuqda la galo dhan waliba oo isaga wax ka tabanaaya waxa uuna Cadeeyay in tanaasulka Madoobe Nuunow uu yahay mid ay keentay daruuf ku aadan u daneynta dadka shacabka ah.
Dhnaka kale, dadaalka isu tanaasulida labada garab ayaa waxaa abaabulkiisa lahaa Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Xubno ka kala tirsanaa QM, AMISOM gaar ahaan Ethiopia, iyadoona ay DF Somalia horay u sheegtay in arrinta ugu fudud ay tahay in garabka Lixda Gobol ay ku biiraan garabka Seddexda Gobol oo uu hogaaminaayo Shariif Xassan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]