Maamulka Koofur Galbeed oo u hanjabay siyaasiyiinta iyo amar la siiyay ciidanka

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa markii ugu horeysay u digay dhammaan Siyaasiyiinta maamulka ee ku dhaqan gudaha deegaanada maamulka.

Maamulka ayaa shaaca ka qaaday in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Siyaasigii isku daya in deegaanada maamulka uu ka abuuro xiisad Siyaasadeed iyo arrimo kicinaaya dareenka shacabka.

Wasiirka amniga maamulka koofur galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), oo diray fariintan hanjabaada ah ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin Siyaasiyiin marin habaabinaya dadka Shacabka ah.

Wasiir Eelaay waxa uu sheegay in cidkasta oo dadka ku abuureysa dhibaatooyin aan waxba ka jirin tallaabo lag qaadi doono, waxa uuna amray in tallaabo sharci ah laga qaado cidkasta oo dhaliilo been ah shacabka u soo jeedisa.

“Cidna ugama heybeysan doono wixii sharci ah waxaan ciidamada amaanka farayaa inay talaabo ka qaadan siyaasiyiinta marin habaabisa shacabka”

Geesta kale, Wasiirka amniga maamulka ayaa cod dheer ku sheegay in xabsi la dhigi doono Siyaasigii ka hor imaada danta maamulka waxa uuna amarkaasi fulintiisa u jeediyay laamaha amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com