TARSAN oo isbarbar dhigay heshiiska dalalka Ethiopia iyo Eritrea & arrinta Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Mohamud Ahmed Nur Tarsan ee sida dhow ula shaqeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya dowladaha Eritrea iyo Ethiopia.

Mohamud Ahmed Nur Tarsan, waxa uu sheegay in dadka intiisa badan ay ku jahwareersan yihiin waxa uu yahay xiriirka ka dhexeeya Eritrea iyo Ethiopia waxa uuna tilmaamay inay yihiin hal dowlad iyo hal shacab oo isku fahmi waayay keliya Siyaasada.

Tarsan waxa uu sheegay inay walaalo yihiin shacabka Eritrea iyo Ethiopia, balse ay kala geysay Siyaasada oo keliya, sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal gaaban oo arrintaasi uu uga hadlaayay laguna soo daabcay boga uu ku leeyahay Facebook ayaa lagu yiri “Qofkii u heystey in Shacabka Eritrea iyo Ethiopia ay kala yihiin laba shacab oo kala duwan waa khaldanyahey, waa shacab isku mid ah oo ay wax badan ka dhaxeyaan”

Waxa uu sheegay Tarsan in xitaa labada hoggaamiye ay aaminsan yihiin arrintaa waxa uuna tusaale usoo qaatay erayo kooban oo uu yiri madaxweynaha Eritrea Isaski Aforgey kaa oo ahaa “Waxaanu nahay dal iyo dad aan kala dhamaan doonin inta ka harsan dunida, waayo waxaanu aheyn hal dal, aabayaasha iyo hooyooyinka xitaa wey naga dhexeeyan labada dal waxaa ku kala dhaqan dad is dhalay oo sanado badan kala maqnaa”.

“Iska diid cidii ku dhahdaa waxaa kala duwan shacabka Eritrea iyo Ethiopia, waxaa dib u baari kartaan taariikhda oo goobjoog ka ah wixii dhacay” ayuu yiri

Tarsan waxa uu intaa kadib tusaale usoo qaatay Somalia iyo Somaliland oo ku kala fog Siyaasada si lamid ah halka ay kala taagnaayen Eritrea iyo Ethiopia.

Waxa uu Tarsan su’aal ka keenay xiliga ay sida Eritrea iyo Ethiopia u siyaasada ugu midoobi doonaan Somalia iyo Somaliland, maadaama ay dunidu raadineyso midow.

Waxa uu yiri “Goorma ayey Madaxda Somaaliyeed ay qaadi doonaan tilaabo taas la mid ah, anaga oo ogsoon in uu shacabka Soomaaliyeed uu intaas isaga dhowyahey. gaar ahaan goorma ayaa madaxda Somaliland ka busgoondonaan khalaadkii ay nidaamyadii hore ay ka galeen guud ahaan shacabka Somaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada Waqooyi”

“Waxaan filnaa waa Madaxweyne Mohamed Abdullahi iyo Madaxweyne Muuse Bixi oo go’aansadaa in ay ku kulmaan dalkeena gudihiisa, weliba anigu waxaan jecelahay inay noqoto meesha lagu kulmayo magaalada Hargeysa waana in ay tilaabadaas ka timaado madaxweyne Muuse Bixi” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, Tarsan waxa uu sheegay in Somalia iyo Somaliland uusan dhexmarin mid u dhow dagaalka dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka noqon karta isu soo dhawaanshiyahooda.

Geesta kale, Tarsan ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu la imaado qorsho Siyaasadeed oo ka duwan kan hadda lagu shaqeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com