Madax ka tirsan Somaliland oo lagu afduubtay…

Sanaag (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa afduub u gaystay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland kuwaasi oo ku sugnaa tuulada Yubbe oo 50-km bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Dadka la afduubtay, waxay deegaanka u yimaadeen wacyigalin ku saabsan doorashada maamulka Somaliland.

Guddoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaan Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo iyo shan kale oo laba yihiin darawallada laba gaari ee ay wateen madaxdaasi ayaa la sheegay in loo kaxaystay degmada Badhan ee isla gobolkaasi.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaysay afduubka, waxaana qaybtood sheegayaan inay afduubteen ciidamo taabacsan Puntland.

Gudoomiyaha Sanaag ugu magacaaban Somaliland Axmed Cabdi Fly ayaa BBC-da u xaqiijiyay afduubkan. Xildhibaan Taleex ayaa xoriyadeeda dib u heshay, waxayna laanta Afka Somaliga ee BBC-da u sheegtay in odoyaasha deegaanku wadaan sidii loo soo dayn lahaa mas’uuliyiinta la afduubtay.

Arrintan ayaa loo malaynayaa inay xiriir la leedahay muranka dhanka deegaanka ee u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com