Puntland oo wajaheysa xaalad cusub oo halis ah

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay Abaaro ka jira qaybo ka mid ah gobolada Puntland, ka dib xilli roobaadka Dayrta oo aan ka da’in inta badan Puntland.

Agaasimaha gurmadka iyo masiibooyinka dag-daga ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi ayaa xusay inay heleen xog sheegaysa xaaladda adag oo soo food saartay dadka ku nool goobaha abaartu saamaysay.

Gobolada laga soo sheegayo xalladda adag waxaa ka mid ah, Gardafuu, Kar-kaar iyo qaybo ka mid ah Bari, waxaana Agaasimuhu xusay in degmada Xaafuun ee gobolka Kar-kaar ay haatan ku jirta xaalad adag oo u baahan wax ka qabasho.

Macaluul ka dhacda Puntland ayaa wasaaraddu ka digtay iyadoo baaqyo gargaar ah u dirtay Ganacsatada iyo hay’adaha deeqaha bixiya.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob deero ayaa tilmaamay in dadkii daganaa gobollada Sanaag iyo Haylaan u guureen Roobab ka da’ay gobolka Cayn, wuxuuna ka digay inay sababi karto abaarta oo si fidda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan Abaaro xooggan oo ka jirta Puntland iyo qaybo ka mid ah Somalia, waxaana dowaladdu sheegaysaa inay ku dadaalayso sidi dadkaasi loo samata bixin lahaa iyagoo la kaashanaya deeq bixiyaasha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com