S/Land oo war kasoo saartay afduubkii Sanaag

Badhan (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay afduub maalintii shalay loo geystay xildhibaano, gudoomiyaha doorashooyinka Sanaag iyo xubnoka tirsan hayad maxali ah, oo ka dhacay duleedka degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Axmed Cabdi Faleey Gudoomiyaha Sanaag oo VOA la hadlay ayaa sheegay in wali gacanta kooxdii afduubatay ku jiraan dadii la afduubtay, laakiin maamulkooda uu sameyay dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu soo deynayo dadka la afduubtay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in lasii daayay hal haween oo xildhibaanada kamid aheyd, iyada oo aan la ogeyn sababta ka dambeysay sii deynteeda, balse waxaa wali gacanta lagu hayaa dadkii kale ee lixda gaarayay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in odayaasha iyo waxgaradka Sanaag ay wadaan dadaal dheeri ah oo lagu soo badbaadinaya dadka laga afduubtay Sanaag.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marnaba qorshaha uusan ugu jirin in xoog ay kusoo furtaan dadka laga afduubtay, balse wadahadal kusoo deyn doonaan maanta, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Sanaag
Caasimada@live.com