Madaxda maamul goboleedyada oo hagbad (Ayuuto) u sameystay si ay uga hor tagaan hal arrin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan madaxda maamulada Somalia waxaa kusoo wajahan doorashooyin waxaana jirta walaac  xooggan oo ku aaddan in Dowladda dhexe ay la timaado xubno ay gadaal ka riixeyso.

Madaxda shanta maamul goboleed ee Somlia ayaa ku heshiiyay iney Hagbad ama Ayuuto sameystaan taas oo lagu caawinayo musharax kasta oo iyaga ka mid ah oo doorasho galaya. Maamul walba wuxuu bixin doonaa hal milyan oo dollar waxaana la siin doonaa musharaxa markaas doorashada galaya si uu ugu guuleysto inuu dib usoo noqdo. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Koonfur Galbeed maamula wuxuu noqon doonaa midka koowaad ee lacagtaa la siiyo madaama ay doorashadiisu soo dhowdahay.

Arrintaan waxaa ka shaqeeyay xoghayaha guud ee golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdi Cali  Rage, wararka ayaa sheegayaan in dhammaan madaxda maamuladu ay aqbaleen qorshahaan iskaashiga dhaqaale ee u sahalaya inuu mid walba dib usoo laabto markii la gaaro xiligiisa doorashada.

Xogtu waxey intaaa ku dareysa in sidoo kale lagu heshiiyay in madaxweyne goboleedkii mooshin laga keenno la isugu dari doono min shan boqol oo kun oo dollar si uu mooshinka isaga difaaco. Arrintaan waxey muujineysa ayaa la lee yahay culeeska heysta madaxda maamulada Soomaaliya ka jira.

Dadka deegaanka yo odayaasha dhaqanka ayaa badi damacsan is badalo laakiin waxaa ragga talada haya ka go`an iney boosaskooda kusoo laabtan. Hagbadda ay sameysteen shanta maamul goboleed ee ka jirta Somalia ayaa dhanka kale cules ku noqon karta qorshaha ay Dowlada federaalka ah ku raadineyso is badalo ka dhaca maamul goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu khilaaf dhasho hadii ay doorashooyinka qaar fara galiyaan.

Sido kale  talaabadan waxey muujineysa in dowlada dhexe aaney wali kala fur furin midnimada madaxda maamul goboleeyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com