W. Arrimaha dibadda Jabuuti oo war cad kasoo saaray xiriirka Somalia & Jabuuti iyo sida uu noqon doono

Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf aya ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya ee Jabuuti, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ahaan doono mid xoog leh ka sokow dib u dhicii dhowaan soo wajahay, wuxuuna intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wadahadallada uu la leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay xaqiijinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay maalintii labaad ku sugan yihiin dalka Jabuuti si xal loogu helo madmadow soo dhex galay labada dal oo yimid kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in Q/Midoobay ay cunaqabateynta ka qaado dalka Eritrea.

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in wadahadal toos ah u socdo madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyadoo lagu wado in maanta gelinka danbe laga soo saaro War-murtiyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com