Madaxii Amniga Gedo ee Farmaajo oo xog ka bixiyey xaalad ka taagan gobolka

Garbahaarey (Caasimada Online) – Cali Xaashi Cumar oo ahaa madaxii amniga gobolka Gedo, xilligii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qeylo dhaan ku socota dowladda federaalka, isagoo ka deyriyey xaaladda ka jirta gobolkaas.

Wuxuu sheegay in gobolku uu si gelayo go’aan nololeed oo aad u adag, isagoo fariimo u kala diray dhinacyo kala duwan oo ku lug-leh xaaladda cakiran ee gobolkaas.

Sidoo kale Cali Xaashi ayaa aad u dhaliilay siyaasadii uu Farmaajo ku maamuli jiray gobolkaas, isagoo shaaca ka qaaday in xubnaha masuuliyiinta looga dhigay gobolkaas ay dhamaantood askar yihiin.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan u sheegayaa reer Gedo baahi badan ayey qabaan, madaxda dowladda federaalka ku metesha gobolkaas ma tegi karaan, wax aka hor taagana waa ciidamadii dowladda,” ayuu yiri.

Wuxuu soo jeediyey in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay guddi deg deg ah u magacowdo arrinta gobolka Gedo, isagoo codsaday in gobolkaas aan lagu sii fiirsan xaaladda quusta ah eek a jirta.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka metela Gedo uusan tegi karin degmo ka tirsan gobolkaas, iyadoo waxa u diidaya ay yihiin ciidamadii dowladda, taas oo xaalad jaho wareer ah ku abuurtay dadka reer Gedo.

“Qaab aad u foolxun ayey dowladdii Farmaajo gobolka Gedo u maamushay, dhamaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolkaas waxaa laga dhigay askar, marka askari labo alifle ah bulsho maamuli karaan, Farmaajo wuxuu duugay akhyaartii siyaasadda ee gobolka Gedo, wuxuuna kor soo mariyey dadkii hoose, arrintaas Xasan Sheekh ayaan ka codsaneynaa inuu wax ka bedelo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable