Madaxweye Erdogan oo lagu eedeeyay in uu akoonno ku shubtay hanti qaran

Muqdisho (Caasimada Online)-Garabka mucaaradka dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay hayaan cadeymo muujinaaya dhaqaale xoogan oo uu musuqay Madaxweynaha Erdogan Reccep Tayyip Erdogan.

Hogaamiyaha mucaaradka ugu weyn Turkiga oo arrinta musuqa kala hadlaayay taageerayaasha Xisbiga ayaa daboolka ka qaaday in lacagta uu musuqay Erdogan ay ku dhacday Akoono dibadda ah.

Waxa uu Hogaamiyaha carab dhabay in baaritaano ay sameeyen ay ku xaqiijiyeen in Akoonada lagu shubay lacagta lala xiriiriyay madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Hogaamiyaha oo ka gaabsanaayay inuu dulmaro cadadka lacagtaasi ayaa sheegay in Xisbiga laga doonaayo inuu meel ku hubsado waxa uu ku sheegay musuqa lagu helay Erdogan.

Sidoo kale, madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu xilka ka degayo haddii ay soo baxaan cadeymo muujinaya lacago uu si sharci darra ah u maareeyay.

Erdogan, ayaa ku faanay inuu ka dhanyahay qiyaano Hanti Qaran, waxa uuna ku celcelshay inuu diyaar u yahay in xilka uu ka dego haddii lagu helo cadeyn.

Si kastaba ha ahaatee, Erdogan ayaa Hogaamiyaha mucaaradka ugu baaqay inuu la imaado cadeymaha muujinaaya inuu ku kacay musuq-maasuq Hanti Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com