Wasiirka Amniga oo digniin culus u diray mas’uuliyiin iyo hoteelada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaradiisa ay la xisaabtami doonto dhammaan mas’uuliyiinta wata Hubka ee ka tirsan dowlada iyo kuwa Ganacsatada ah.

Wasiir Ducaale oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay dib usoo nooleyneyso go’aankii ahaa inaan magaalada lagu dhex isticmaali karin wixii kabadan 4 qori.

Wasiirka waxa uu sheegay inaysan mas’uul ka noqon dooni wixii ka dhasha fulinta go’aankaasi maadaama ay jiraan dad aan u nuguleyn awaamirta kasoo baxda Hay’adaha amaanka.

Waxa uu tilmaamay in ilaalada la socta mas’uuliyiinta looga baahan yahay inay xirtaan darees lagu yaqaan oo aysan dhar walba iska xiran karin, haddii ay dhacdo in lagu arko dhar aan loogu tallo galin ay iyaga dusha saaran doonaan wixii caqabad ah.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirka ayaa ahaa ”wixii ka danbeeya 30ka bisha November lama arki karo mas’uul wata wixii ka badan afar qori iyo ciidamo aan wadan dareeska loogu talo galay”.

Sidoo kale, Wasiirka amniga ayaa ka digay in Hoteelada magaalada Muqdisho lagu qabto shirar aysan kawarqabin dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasaarada Amniga, waxa uuna ku goodiyay inay qaadi doonaan talaabo lid ku ah Hoteelka uu ka dhaco shir aan lagu soo wargalin.

”Hoteelkii lagu qabto shir aan nalagu soo wargalin isaga ayaa dusha saaran doona mas’uuliyada wixii halkaa ka dhaca”

Haddalka Wasiir Ducaale ayaa imaanaya xili madaxda DFS qudhooda ay kaalmaha hore kaga jiraan shaqsiyaadka burburiya awaamirta kasoo baxda isla dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com