Madaxweyne Al-Bashiir oo is-casilay iyo wada hadal u socda isaga iyo militariga

Khartoum (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa lagu qasbay inuu is casilo sida ay goor dhow qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Hoggaanada kala duwan ee Militariga, Booliska, Nabadsugidda iyo Wasiirka Gaashandhigga ayaa Bashiir u sheegay inuu is casilo isla markaasna uu fuliyo rabitaanka Shacabka, waxayna qaadatay saacado kooban inuu Al-Bashiir uga jawaabo isla markaasna uu xilka ka dago kadib 30 sano oo uu awood ku heystay dalka Suudaan.

Reuters ayaa sheegtay in warka ah inuu is casilay Al-Bashiir uu u xaqiijiyey Wasiirka Wax soo saarka iyo Dhaqaalaha ee Waqooyiga Daafuur  ee lagu magacaabo Adel Mahjoub Hussein.

Adel Mahjoub ayaa sheegay inuu hadda socdo wada hadal ku aadan qofkii sida kumeel gaarka ah loogu dhiibi lahaa xilka Madaxweynimo ee Suudaan, wuxuuna kulanka u socdaa AL-Bashiir iyo Hoggaanada Ciidamada kala duwan.

Sidoo kale warka ah inuu is casilay AL-Bashiir waxaa qoray Al-Jazeera qeybta Ingriiska, Kenya 24 News, Sky News Australia, CGTN Africa oo ah Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Africa u qaabilsan iyo New York Times.

Ciidamada Militariga ayaa xiray Cabdiraxiim Maxamed  Xuseen oo aad ugu dhawaa Al-Bashiir, Cusmaan Maxamed Daahaa oo ahaa ku xigeenkii hore ee Al-Bashiir ,  Axmed Maxamed Haaruun Guddoomiyaha Xisbiga Talada hayo iyo Cowd AL-Jaaz oo ah nin ku takhasusay Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay illaa 30 Mas’uul oo lagu tirinayo inay aad ugu dhow yihiin Madaxweynaha is casilay ee AL-Bashiir.

Maalmihii la soo dhaafay dadweynaha ayaa ku hor banaan baxayay Xarunta Ciidamada Milateriga ee Khartoum, taasoo la sheegayay mid ay Milateriga garab kaga raadinayaan inuu xaalada soo farageliyo is bedelka dalkana horseed u noqdo, si loo soo afjaro xukunka dheeraaday ee Madaxweyne Al-Bashiir.

Kumanaan dadweyne ayaa isugu soo baxay waddooyinka, qaarkood waxay gaadiidka ka lulayeen calanka Sudan, waxaana la dareemayaa wax u muuqda is bedel ay raalli ka yihiin dadweynaha.

Tan iyo bishii December waxaa dalka Sudan ka dhacayay dibad baxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha mudada 30-ka sano xukumayay ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum 
Caasimada@live.com