Sawirro: Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo kulamo kala gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga

Muqdisho (Caasimadda Online)- Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarahiisa Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo kala gaar ah la yeeshay wafdiga uu hoggaaminayay ra’iisal wasaare ku xigeenka Turkiga Hakan Cavusoglu oo Muqdisho maanta booqasho ku yimid.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo ra’iisale wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu mahad celiyay booqashada Hakan Cavusoglu uu ku yimid Muqdisho, waxayna si gaar ah ugu wada hadleen arrimaha xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeyo in uu noqdo mid xooggan.

Hakan Cavusoglu ayaa balan qaaday in dowladdiisa ay xoojin do onto taageerada ay siiso dowladda SOmalia iyo shacabka.

Booqashada Hakan Cavusoglu ee Muqdisho ayaa aheyd mid hal maalin ah qaadatay.