Madaxweyne Farmaajo oo ka duulay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku wajahan dalka Urdun.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ku wajahan dalka Jordan oo ay kaga qeyb galayaan shirka madaxda Carabta oo maalinta beri ah la filayo inuu ka furmo dalkaasi, kadib markii uu casuumaad ka helay dalalka Carabta.

Shirka madaxda Carabta waxaa sanadkaan ka qeyb galaya boqorka dalka Moroco boqor Maxamed-ka Lixaad iyo boqorka dalka Sacuudiga.

Waxaa sanadkaan marnaan doono kursiga dalka Suuriya, maadaama horey looga saaray dowladda Suuriya.

Waa markiisii ugu horeeysay oo uu Farmaajo kasoo dhex muuqdo madaxda wadamada Carabta, waxaana uu noqonayaa markiisii seddexaad oo uu ka duulo dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka duulay dalka iyadoo saacado ay ka harsan tahay ansixinta golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com