Madaxweyne Farmaajo oo si cad uga hadlay shirka shidaalka Somalia + Video

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka mudan badan dhaliyay ee maanta ka furmaya magaalada London ee xarunta dalka UK.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shirkaas uu daba-joogo Shir kan ka horeeyay oo lagu qabtay dalkaasi, islamarkaana lagu soo bandhigay Cilmi baaris lagu sameeyay Shdiaalka Soomaaliya Xiligii Dowladdii Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas lagu soo bandhigayo warbixin ku aadan shidaalka Soomaaliya basle aysan jirin wax la iib geynayo. Wararka sheegaya in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu ku sheegay in aysan xaqiiq ahayn oo ay tabiyeen Mucaaradka dowladiisa.

“Ma jirto shidaal la iibinayo iyo wax la xaraashayo, Shirkaas waxa uu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigayo daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee Caalamka ayuu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Warbaahinta dunida ayaa buun-buunisay warka shidaalka ku saabsan, waxaa lagu leeyahay deeyn, qaarkood Ceymis ayey ku jiraan, si ay u helaan lacag iyo dhageestiyaal oo warkooda u gadmo ayey been ka sheegayn shirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Hoos ka daawo madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com